Madaxweynaha Uganda Oo Wiilkiisa, Weyn Umagacaabay La Taliye Sare Ee Madaxweynaha
January 12, 2017 - Written by Berbera Today
Kampala(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa wiilkiisa u magacaabay jagada la taliyaha sare ee Madaxweyne ee Hawlaha gaarka ah.

Magacaabista ayaa qayb ka mid aheed isbedel balaadhan oo Madaxweynaha uu awoodda uu u leeyahay sida Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida uu ku dhawaaqay Talaadadii.