berberatoday.com
“Reer Somaliland-noow, Naxariistii ILAAHAY Waxay Idiin Jirtaa Idinkoo Yidhaahda ILAAHOOW Kitaabkaagii-baanu U Soo Noqonay…….”Xil. DHEEG
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa wer-wer ka muujiyey Xaaladda ay waajahayaan Shacabka reer Somaliland ee Abaarta Ba’ani ku habsatay iyo sida Xisbiyada Qaranku ugu mashquulsan yihiin Wax aad uga fog Xaaladda Dadku ku jiro, oo ah Olole Siyaasadeed.

Warka Xildhibaan DheegXildhibaan Dheeg, wuxuu sheegay in Abaarta ka jirta Gobollada barigu ay saamaysay Guud ahaan Somaliland isla-markaana gaadhay Xaalad oo uu ku sheegay ‘La iskuma Ciirsada’, maaddaama oo Abaartu gaadhay in Xoolihii iyo Dadkiiba way u dhimayaan Harraad iyo Macaluul ka dhalatay Abaartaasi.

Xildhibaanka oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horeyn Sawir ka bixiyey hab-dhaqanka Xisbiyada Qaranka ee Xilligan Dalka ay Abaartu ka jirto, waxaanu yidhi, “Waxa isku kay qaban waayay Xaaladda Dalkeenna ka jirta iyo Waxa Warbaahinteenna ka socda. Warbaahinta waxa ka socda ‘intaas oo Qof oo ka soo baxay Xisbi Hebel oo ku biiray Xisbi Hebel, Xaflad baa la qabanayaa, halkaa waxa imanaya Dhowr Boqol oo Qof, waxa lagu burburinayaa Xoolo badan oo Dhowr boqol oo Qoys iyo Dhowr Boqol oo Neef badbaadin lahaa. Marka halkii la dhergo ee Dadka badhkiina Lacagba loogu daro, waxa lagu hadlayaa wax Aflagaado ku ah Xisbi iyo Guddoomiye Hebel, Dhowrkii boqol ee Qof meesha joogay wax Sacab tumaya iyo Wax Mashxaradaya weeye. Marka Halkii laga dareero (Xafladda xisbigu dhamaato) ayaa Maalin ka dib, Xisbigii kale Huteel kale oo kii ka weyn ayuu ku casuumayaa Dad ka badan kuwii hore ayuu Casuumayaa, waxaanu odhanayaa waa inaad ka badisaa (Xisbigii Shalay Xafladda qabsaday), markaasuu Lacag tii (Xisbiga kale) ka faro badan ku casuumayaa, markaasaa Haaf Milyan Doollar halkaa ku burbureysaa, markaasaa loo Sacab-tumayaa Aflagaado Qofka hadlayaa uu ku samaynayo Dad dhan oo Xisbi kale ku wada jira. Laakiin marka Arrimahaasi dhacayaan waxa Dalka ka jirta Abaar intaa aan jiray aanan weligay Arag Maanta ka hor. Berigii hore hadday Abaari ka dhacdo Galbeed, waxa loo yaaci jiray Bariga, Hadday Bariga ka dhacdo Galbeed loo yaaci jiray, laakiin Abaar la yidhaahdo ‘Iskuma Ciirsato’ oo Afarta Jihaba dhamaysay ayaa ina haysata.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Abaartu ay Dad iyo Xoolaba meel halis ah gaadhsiisay, “Xoolaha iyo Dadku sidaa ay noqdeen Maanta ka hor ma arag. Mid kalena weligay ma arag, Xoolihii iyo Dadkii oo labadiiba u baahan yihiin in Raashin looga iibiyo Magaalada oo halkaa loogu geeyo iyo Biyo, haddii loogu geyn waayana ay wada dhimayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Iyadoo Xaaladdu sidaa tahay, ayaa haddana la moodaa in Dadka Abaartu haysaa aanay ahayn Dadka aanu u Madaxda nahay. Shacabi-weynoow haddaanu nahay Madaxdiinii waxa noo muuqda Kursi, waxaanuna iskugu jirnaa Nin ku fadhiya iyo Nin u soo Haliilaya. Annagu haddaanu Madaxdiina nahay nama hayso Abaari oo Qaboojiyeyaasha ayay nooga buuxaan Sharaabkii iyo Biyihii Qaboobaa, waxaanu ku hadlaynaa Maaha wixii aanu ku hadli lahayn idiinkoo na maqlaya. Waxa Warbaahinta la idinka Maqashiinayaa Maaha wixii Shacab-weynuhu u adkaysan lahaa. Haddii Madaxda Goleyaashu Dan idinka leeyihiin Xaalad deg-deg ah ayaanu Dalka geli lahayn, waxaanu odhan lahayn Shaqaalaha, Ciidanka iyo Dadka Magaalooyinkuba ha qaataan Caagad-caagad biyo ah oo Dadka Abaarta hala qaybsadaan oo haka qayb-galaan (Gurmadka) oo ka baxa Magaalooyinka. Halkaanu sidaa ka yeeli lahayn Annagu waxaanu ku jirnaa Dabbaashaa, Idinkuna waad noo sacab-tumeysaan.”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) wuxuu ka digay in Shacabka Reer Somaliland ku halaagsamaan Abaarta Dalka ka jirta oo uu u aaneeyay Dunuubta Dadku gelayaan, waxaanu yidhi, “Reer Somalilanoow, waxaan idiin arkaa inaad Waddadii Halaagga Cagta Saarteen. Waxaan idinku talinayaa inaad Maalin ku wada ballantaan inaydaan Meheradahiina furin, oo Qofka walba uu Gurigiisa ka soo baxo isagoo leh ILAAHAYOOW waanu kuu soo noqonay, isagoo leh ILAAHAAYOOW waxaad Markhaati nooga noqotaa inaanu u soo noqonay Calankaa Tawxiidku ku qoran yahay iyo Qodobkaa dastuurka ku qoran ee ah in Dalka Diinta lagu xukumo ee aanu Beenta ka sheegnay, oo aanu Saddexdii xisbi ka soo baxnay oo aanu ILAAHOOW Xisbigaaga soo galnay. Sidaa Markaad Qalbiga ka Go’aansataan ILAAHAY wuxuu ballan ku qaaday inuu Roob dhibco waaweyn idiin shubayo.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay, “Waxaynu la’nahay Shacab wax wada doonaya oo isku Qalbi ah, Waayo? haddaynu taa hello Madaxda idin xukumaysaana idinka oo kale ayay noqon lahayd, Shacab xunna Madax Wanaagsani kama soo dhex baxdo, markaa Naxariistii ILAAHAY waxay idiin jirtaa idinkoo yidhaahda ILAAHOOW Kitaabkaagii-baanu ayaanu u soo noqonay.”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews