berberatoday.com
Wasiir Sacad Oo Tilmaamay In Itoobiya Dareen Ka Qabto Saldhiga Milatari Ee Imaaraadku Doonayo Inuu Ka Samaysto Berbera
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in dawladda Itoobiya walaac ka qabto saldhiga milatari ee Imaaraadku doonayo inuu ka samaysto magaalada Berbera.

 

Dr. Sacad oo u waramay telefishanka Universal, wuxuu sheegay in saldhigyada milatarigu leeyihiin war-war iyo manaafacaad labadaba, “Waa run oo way jirtaa in dawladda UAE ay na weydiisatay saldhig milatari, waa wadan aan saaxiib nahay saaxiibaduna way is weydiistaan saldhigyo, go’aanka saldhiga waxa iska leh madaxweynaha iyo labada gole, madaxweynuhu go’aanka uu ka gaadho wuxuu la qaybsan doonaa xubnaha baarlamaanka, iyaguna waxay ka gudan doonaan waajibaadkooda.” ayuu yidhi Wasiir Sacad, waxaanu isagoo ka jawaabaya inay xukuumadu ku kala aragti duwantahay saldhigan uu yidhi “Dawladu marka ay arrinsanayso haddii cid loogu yeedho afkaar badan ayaa laga jeediyaa oo laga cabiraa oo dadku isku wada rayi maaha, laakiin waxaan hubaa in dawladu wax kasta oo ay samayso ay u aragto danta umadda.”

Wasiir Sacad oo ka hadlaya dareenka Itoobiya ee saldhigan wuxuu yidhi “Kolay labada wadanba waa waddamo aan saaxiib nahay saldhigyada milatarina sidoodaba warwarkoodana way leeyihiin, manfacadoona way leeyihiin, markaas Somaliland ahaan waxa inoo yaalaa waxa weeye sidaan saaxibadeena labadaba u ilaashan lahayn.”

Wasiirka oo ka jawaabaya in Itoobiya dareen didmo ah ka muujisay saldhigan wuxuu yidhi  “Itoobiya waa waddan badda ka xidhan, waxay isticmaalaan dekedda Djibouti oo keliya, qorshahoodu waxa weeye ka Berbera inay isticmaalaan, markaas wax kasta oo saamaynaya marinda ay la leeyihiin badaha kolay warwarkeeda ayay leedahay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews