berberatoday.com
Berbera”Wiil Dhalinyaro Ah Oo Habeenkii Xalay Isku Gubay Gaadhi Dukhaan Ah Uu Watay Iyo Sababta Keentay
January 13, 2017 - Written by Berbera Today

ina budle6Berbera(Berberatoday.com)-Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu Magacaabo Yasin Axmed Budle ayaa Dab isku qabad Siiyay Baabuur VITZ ama Dukhaan ah oo watay gudihiisa Waxaana halkaas dhaawac halis ahi kasoo Gaadhay wiilka dhalinyarada ah oo dadiisu lagu qiyaasay 22 jir waxaanu shilkani dhacay xalay abaara 10.00.mp habeenimo,

sidoo kale Waxa gabi ahaanba baabay oo gubtay baabuurkii uu watay ee dukhaanka ahaa oo shuf beelay waxaana la cadeeyay in wiilka dhalinyarada ahi gacantiisa dabka isku qabad siiyay isaga oo baabuurka uu watay dhex fadhiya lagana soo gaadhay isaga oo inta badan jidhkiisu gubtay gaadhigiina baaba,ay ayaa waxa ugurmaday oo kasaaray dabka dad jidka maraayay iyo dad kaloo kasoo cararay Cisbataalka uu agtiisa dabka isku qabad siiyay.

Goobta shilkani kadhacay oo ahayd Cisbataalka Guud ee Berbera hortiisa waxa yaalay halkaas oo talaagad Maydka lagu keydiyo kujiray Wiilkan isgubay walaalkii oo Alle ha Unaxariistee lagu magacaabi jiray Bare Axmed Budle oo dhawaan ku dhintay gaadhi Dukhaan ah oo shil ku galay Suuqa Dib Iska EEG Ee kuyaala jidka ubaxa dhinaca ubaxa Magaalada burco ee Berbera.

Meydka wiilkaas oo laysku haysto qaabka uu udhintay Kadib markii Maydkiisa laga dhex helay baabuurkaas isaga oo Madaxa iyo wajiga nabaro ka qaba Waxaanay ehelkiisu ku doodayaan in shilka baabuurka maydkiisa laga helay ka hor uu dilay ninka baabuurka waday  oo lug ka jaban oo hada dhawac ah Ciidana ku ilaalinayo Cisbataalka Guud ee Berbera oo daaweynayo. Waxaanu shilkaas wiilku ku dhintay dhacay mudo hada laga joogo 7 maalmood iyada oo gaadhiga shilka lagalay oo ahaa dukhaan uu afka hore ku dhuftay Bir laydh oo laamiga dhinaceeda kutaala wax sidaa ubadan oo khasaare ahina aanu soo gaadhin baabuurka.

Waxaana la sheegay isgubitaanka Wiilkan uu la xidhiidho maydka walaalkiisa 7 maallmooda talaagada ku jira iyo cadaalada daro ay ka cabanayaan ehelkiisu oo ay leeyihiin hayadaha ku shaqada lihi sidii la rabay umay baadhin kiiskaas wiilkooda oo ay ku doodayaan in madaxa laga dilay ee aanu gaadhiga shilka galay waxba ku noqonin.

Ilaa hada maydka Marxuumkaas ayaa waxa uu kujira Talaagada Meydka lagu keydiyo ee Cisbataalka Berbera iyada oo hayadaha danbi baadhista Booliskuna kujiraan baadhitaanka Kiiskaas oo aanay wali kasoo saarin wax natiijo ah ama gungaadh ah.

Wiilkan isku gubay baabuurka Dukhaanka ah ee uu watay oo layidhaa Yasin Axmed Budle ayaa xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa iyada oo dhamaan qaarka sare ee jidhkiisu wada gubtay sida ka muuqata Sawiradan waxaana lagula tacaalayaa xaaladiisa Caafimaad Cisbataalka guud ee Berbera.

Wiilkan dhintay iyo Ka isgubay oo walaalo ah ayaa waxa ay kamid yihiin Bulshada reer Berbera waana qoys kamida Bulshada qadiimiga ah ee Reer Berbera waxaana aabohood oo lagu magacaabo Axmed Budle uu kamid yahay Ciidamada asluubta ee Xabsigawaxaanay xaafadoodu kutalada shacabka Berbera waana qoys macruuf  ah oo la yaqaan.

ina budle2

ina Budle1

ina budle4

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews