Berbera”Wiil Dhalinyaro Ah Oo Habeenkii Xalay Isku Gubay Gaadhi Dukhaan Ah Uu Watay Iyo Sababta Keentay
January 13, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu Magacaabo Yasin Axmed Budle ayaa Dab isku qabad Siiyay Baabuur VITZ ama Dukhaan ah oo watay gudihiisa Waxaana halkaas dhaawac halis ahi kasoo Gaadhay wiilka dhalinyarada ah oo dadiisu lagu qiyaasay 22 jir waxaanu shilkani dhacay xalay abaara 10.00.mp habeenimo,
sidoo kale Waxa gabi ahaanba baabay oo gubtay baabuurkii uu watay ee dukhaanka ahaa oo shuf beelay waxaana la cadeeyay in wiilka dhalinyarada ahi gacantiisa dabka isku qabad siiyay isaga oo baabuurka uu watay dhex fadhiya lagana soo gaadhay isaga oo inta badan jidhkiisu gubtay gaadhigiina baaba,ay ayaa waxa ugurmaday oo kasaaray dabka dad jidka maraayay iyo dad kaloo kasoo cararay Cisbataalka uu agtiisa dabka isku qabad siiyay.