Qaadhaan Bixiyayaasha Oo Shalay Kulan Iskugu Dhagaystay Saddexda Murashax Madaxwayne Oo Weli Kala Fog
January 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah wakiilo ka socday dalalka Qaadhaan bixiyayaasha ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa shalay kulan wada jir ah la yeeshay saddexda murashax madaxweyne ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa waxa ka qayb galay diblomaasiyiin ka socday dalalka Ingiriiska iyo Denmark, waxaanay dhagaysteen doodaha iyo aragtiyaha saddexda murashax ee Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidha arrimaha doorashada iyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika murashaxiinta ayaa halkaas ku soo bandhigay aragtiyahooda kala fog, waxaana isku aragti ahaa laba murashax mucaarad, halka uu murashaxa KULMIYE ka aragti duwanaa.