berberatoday.com
Qaadhaan Bixiyayaasha Oo Shalay Kulan Iskugu Dhagaystay Saddexda Murashax Madaxwayne Oo Weli Kala Fog
January 13, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah wakiilo ka socday dalalka Qaadhaan bixiyayaasha ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa shalay kulan wada jir ah la yeeshay saddexda murashax madaxweyne ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa waxa ka qayb galay diblomaasiyiin ka socday dalalka Ingiriiska iyo Denmark, waxaanay dhagaysteen doodaha iyo aragtiyaha saddexda murashax ee Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidha arrimaha doorashada iyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.
sadexda xisbi
Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika murashaxiinta ayaa halkaas ku soo bandhigay aragtiyahooda kala fog, waxaana isku aragti ahaa laba murashax mucaarad, halka uu murashaxa KULMIYE ka aragti duwanaa.

Murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas ku soo bandhigay in xisbigiisa iyo xukuumaduba diyaar u yihiin inay ka qayb galaan doorasho qabsoonto bisha March ee 2017, isagoo xusay inaan la isku xidhin doorashada iyo abaarta jirta, balse doorashadana la qabto abaartana loo gurmado.

Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna halkaas ku soo bandhigay aragtidiisa oo ahayd inay dalka ka jirto abaar aad u adagi, islamarkaana ay dadkii ka hayaameen deegaamadii ay hore isaga diiwaangeliyeen oo aan hadda kaadhadhkii loogu gayn karin, waxaanu soo jeediyay in loo gurmado dadka ay abaartu ku habsatay islamarkaana la joojiyo in la bilaabo kaadhadh qaybinta.

Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu wuxuu kulankaas ku soo bandhigay dood xoogan oo nuxurkeedu ahaa inaan lagu dul ololayn dadka reer Somaliland ee ay abaartu ku habsatay, waxaanu soo bandhigay warbixintii guddiga doorashada ee ahayd in qiyaas ahaan 70% aanay dadkii isdiiwaangeliyay joogin goobihii loogu gayn lahaa kaadhadhka doorashada lagu codaynayo.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu beesha caalamka u soo jeediyay inay u gurmadaan dadka ay abaartu ku habsatay iyadoo jiilaalku hadda bilowyahay.

Laba diblomaasi oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa waxay sida uu warku sheegay halkaas ka sheegeen inay dhawaan dalka iman doonaan safiiro ka socda dalalkooda, waxaanay xisbiyada iyo murashixiinta u soo jeediyeen inay sii wadaan wada hadalada iyo isu soo dhawaanshaha si xal loo gaadho.

 

 

 

Geeska.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews