Sirdoonka Ruushku Wuxuu Fiidyow Sir Ah Ka Hayaa Donald Trump Oo Tumanaya
January 13, 2017 - Written by Berbera Today
Mosco(Berberatoday.com)-Talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa Salaasadii dorraad ee 10kii Jeenaweri sii daayey war sheegaya in warbixin toddobaadkii hore uu sirdoonka Maraykanku gaadhsiiyey madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump iyo madaxweynaha sii tegeya Barak Obama ay ku jirtay xog sir ah oo sheegaya in koox budhcadda Internet ka ee Ruushka ahi ay sir warwar leh ka hayso madaxweynaha la doortay Donald Trump.
Talefishankan caanka ah ee CNN oo sumcad wanaagsan ku leh dalka Maraykanka gudihiisa iyo dunidaba ayaa masuuliyiin Maraykan ah ka soo xigtay in ay jirto warbixin laba warqadood ka kooban oo lagu soo ururiyey sheegashada budhcadda Internet ka ee Ruushka, waxa aana ay warbixintani ka mid ahayd warbixintii guud ee ka hadlaysay farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashada Maraykanka.