Ibraahim-dhegaweyne Oo Si Adag Uga Digay Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabta, Guddiga Doorashadana Ugu Baaqay Inay Is Casilaan
January 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa sheegay inaanay doorasho dalka ka qabsoomi karin, wakhtigan lagu jiro xaalad abaareed oo aad u adag.
Mujaahidka oo waraysi uu la yeeshay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu kaloo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysto magaalada Berbera.
Mujaahid Dhegaweyne oo ugu horayn ka hadlaya doorashada wuxuu yidhi “Doorasho waa wixii aynu ku heshiinay ee sharciga ku qornaa, xaalado abaareed oo culus ayaa taagan oo bilow ah, wakhtiga aynu abaarta ku jirnaa waa January, ilaa March waa abaar, Allena roobka wuu shubi karaa, waxaan leeyahay umaddani maanta ma geli karto doorasho, in doorashada la joojiyo ilaa inta roob la arkayo ayay aniga ila tahay.”