berberatoday.com
Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Qayb Galey Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuum Oday Maxamuud (Dhool-Dahable)
January 14, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable).
Aaska Marxuum dhooldahable

Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), ayaa xalay ku geeriyooday gurigiisa Hargeysa ku yaalla.

silaanyo aas qaran

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa Madaxweynuhu kaga hadlay shaqsiyadii Marxuumka iyo kaalintii uu qaranka kaga jiray, waxaanu u dhignaa sidan:-

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Caawo oo ay taariikhdu tahay 13/01/2016.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ku suntan taariikhda qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, ahaana shaqsi ay ku dheehan tahay dadnimo, karti iyo cibaado saalixa, dadkana isu soo jiida.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca kalena, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shaqsiyada Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), oo maanta laga aasay Magaalada Hargeysa.

Aaaska Marxuunka oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Mudane Xaashi oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Geeridu waa xaq, waxa aynu nahay addoomo ILAAHAY, dhamaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxaynu maanta joognaa aaskii walaalkeen Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), ILAAHAY (SWT) ha u naxariisto. Walaalkeen Maxamuud geerida ku timid waxaanu ka tacsiyadaynaynaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan qaranka Somaliland, waa nin weyn oo qarankan ka baxay, waa nin ku suntan halgankii, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkan, Maxamuud waxa uu ahaa nin wayn oo culus, waxa uu ahaa garab weyn oo inaga baxay.”

“ Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa nin caan ku ah mab’da adayg, run, daacadnimo, hawl karnimo dad yaqaan, dhul yaqaan, wuxuu ahaa shaqsiyad aad u qiimo badan oo aan laga faaloon karin si sahlo ah. Marxuunka Maxamuud Dhool-dahable Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo Saaxiib weyn ahayd ahaayeen. ILAHAY Samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto, inaga cabro ayaa inoogu sugan geeridiisa.”

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews