berberatoday.com
Sarkaalkii Sirdoonka Ee Fashilyey Sirta Ruushku Ka Hayo Trump Oo La Waayey Iyo Walaaca Noloshiisa Soo Waajahay Warbixin Uu Geeska Afrika Soo Ururiyey
January 14, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Warbaahinta gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa shalay shaacisay in la la’ yahay ninkii ka tirsanaan jiray sirdoonka Ingiriiska ee hore warbaahinta Maraykanku u sheegtay in uu isaga yahay ninka fashiliyey in sirdoonka Ruushku uu sir ka hayo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump oo xaalad dhaqan xumo ah ku gudo jira.

 

Warbixin uu sirdoonka Maraykanku maalmihii la soo dhaafay u gudbiyey madaxweynaha xilku ka sii dhammaanayo iyo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ayaa la sheegay in ay ku jirtay warbixin sheegaysa in sarkaal sirdoonka Ingiriiska ka tirsan oo CIA aad ugu kalsoon tahay uu sheegay in sirdoonka Ruushku uu siro ka hayo Donald Trump uguna talogalay in uu ugu hanjabo faafinteeda haddii uu Trump ka hor yimaaddo qaabka wada shaqayneed ee uu madaxweynaha Ruushku ka doonayo.

Wargeyska Geeska Afrika oo cadadkiisii Khamiistii dorraad ee 12ka Jeenaweri ku baahiyey warka sirtan uu sirdoonka Ruushku ka hayo Trump ayaa la socosho iyo dabagal uu 24-kii saac ee ka dambeeyey warkiisa ku sameeyey mawduucan iyo si gaar ah xaaladda sarkaalka sirdoon ee sirtan fashiliyey waxa uu ku soo ogaaday in Christopher Steele oo ah 52 jir ka tirsnaan jiray sirdoonka Ingiriiska ee Mi6 uu dhuumasho kaga tegey gurigiisa, kadib markii warbaahintu faafisay magaciisa oo dhammaystiran.

Warar ay baahiyeen qalabka warbaahinta Ingiriiska oo ay ka mid yihiin wargeysyada The Guardian, Telegraph, Daily Mail, idaacadda BBC iyo warbixin uu daabacay talefishanka Aljazeera oo uu Geeska Afrika soo koobay ayaa lagu sheegay in basaaskan hore si weyn loo raadinayo, illaa imikana aan si cad loo ogeyn halka uu jaan iyo cidhib dhigay, waxa se’ ay wararka qaar sheegeen in uu iskii dhuumasho ugaga baxay gurigiisa si uu warbaahinta uga dhuunto. Warfidiyeen ka tirsan wakaaladda wararka Faransiiska ee magaceedu ku soo gaabsan yahay FP ayaa ka mid ahaa warfidiyeenka tegey guriga ninkan, waxa  aanu sheegay in guriga aanay cidi joogin, dad deriska ka mid ahina u sheegeen in ninkaasi guriga ka tegey subaxnimadii Arbacada oo hal maalin uun ka dambaysay markii warkiisu soo baxay Salaasadii toddobaadkii hore, laakiin waxa ay dadkan derisku sheegeen in ninkan aanay wax dhib ahi ka muuqan markii uu guurayey, isaga oo weliba bisaddiisii u sii dhiibtay deriska, una sheegay in uu dhowr maalmood maqnaan doono. Waxa se ay sheegeen in xaaskiisa iyo carruurtiisu aanay iyagu habeennimadii Arbacadaba u hoyan guriga.

Qof basaaskan Christopher Steele ka agdhowaa ayaa wargeyska Telegraph u sheegay in sababta uu guriga uga guuray ay ahayd cabsi uu naftiisa iyo qoyskiisa uga baqay aargoosi kaga yimaadda sirdoonka Ruushka ee uu sirtan ka fashiliyey.

Dhinaca kalana wargeyska The Telegraph oo soo xiganahaya ilo ka agdhow sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa sheegay in Christopher Steele isaga oo u shaqaynaya Mi6 uu sannado badan oo Sagaashamaadkii ah ka shaqaynayey magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo nidaam ahaan qaabilsan xidhiidhada dibadda ee sirdoonka Ingiriiska ayaa iyadu diidday in ay ka hadasho guud ahaa arrintan iyo si gaar ah xaalka Christopher Steele, sidoo kale afhayeen u hadlay raysalwasaaraha dalkaIngiriiska Theresa May ayaa isna dhinaciisa  sheegay in Christopher Steele aanu u shaqayn dawladda Ingiriiska, isaga oo sida muuqata ka hadlaya waqtigan hadda la joogo, maadaama oo hore uu ugu shaqayn jiray.

Wararka soo baxayaana waxa ay sheegayaan in Christopher Steele oo basaasnimada ka hor, ka qalin-jebiyey jaamacadda caanka ah ee Cambridge ay shaqaalaysiisay shirkad Maraykan ah oo doonaysay in ay xogo ka hesho nooca xidhiidh ee ka dhexeeyey Ruushka iyo Donald Trump, shirkaddaas oo iyaduna warkan soo heliddiisa kaga lacag qaadanaysay rag ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ka soo horjeeda Donald Trump iyo kuwo Dimuqraaddi ah oo markii dambe arrinta ku soo biiray, taasina ay tahay sababta uu marka hore Christopher Steele xogtan uu hayey u siiyey Shirkaddan oo CIA u sii gudbisay, in kasta oo la ogaaday in FBI da qudheedana uu warkan siiyey.

Basaaskan ayaa hore uga cabsi qabay aargoosiga sirdoonka Ruuska maadaama oo uu yahay sarkaalkii horena u fashiliyey in dilka basaaskii Ruushka ka baxsaday ee Alexander Litvinenko oo sannadkii 2006kii la sumeeyey Ingiriiska uu ka dambeeyey Ruushku.

In kasta oo basaaska marka xaaladdan oo kale ku dhacdo ay noloshiisu khatar ku jirto, lagana yaabo in taasi tahay sababta uu dhuumashada ugu maqan yahay basaaska fashiliyey xogta sirdoonka Ruushku ka hayo Trump, illaa haddana aanay caddayn tallaabada xigta fashilintii ee uu Christopher Steele qaadi doono, haddana xaqiiqada ah in Steele uu yahay muwaadin Ingiriis ah, oo hore shaqooyin muhiim ah u soo qabtay ay taasi waxoogaa ka dhigayso nin aamin ka ah aargoosiga Ruushka oo ay dawladdu sugayso ammaankiisa. Si kastaba ha ahaato ee taasi waqti ay sii socon lama garanayo, wax kastaana waa ay is beddeli karaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews