berberatoday.com
Waran-cadde Oo Ku Taliyey In Talo Qaran Laga Yeesho Arinta Doorashada, Xisbiyada Ugu Baaqay Inay Si Nadiif Ah U Tartamaan
January 14, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo hadda ah La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira, loolanka Xisbiyada, mawqifka Doorashada ee labada Xisbi Mucaarad ee ah in Doorashadu dib loo dhigo, iyo halka uu ka taagan yahay Xisbiga taladda dalka haya.

 

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu  wareysigu u dhacay sidan

Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, waxay sheegeen in wakhtigan aan Doorasho la gali Karin, madaama Abaari jirto oo mawqif mideeysan bay ka taagan yihiin, Xisbigii taladda dalka hayey ee Kulmiyena waxa muuqata inuu ka soo hor jeedo, oo uu doonayo in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, markaas adiga maxay kula tahay?

Hawlaha Doorashooyinku ugu horeyn waxa inoo xil saaran oo ka masuul ah Guddida Doorashooyinka, Komishanka iyo Xisbiyaduna waxay ka mid yihiin nidaamkeena dawladnimo, waxaana dhab ah in abaari jirto, laakiin inagu Somaliland ahaan waxaynu nahay dad iyagu mar walba wada tashada, oo danta qarankooda ka tashada, waxaana anigu ku talin lahaa in la iskugu yimaado Shir talo Qaran, oo lagaga arinsanayo marxalada aynu maanta marayno, in Doorashadu qabsoomi karto iyo in aanay qabsoomi Karin, waxaana xaqiiqo ah in haddii Shirkaas Qaran oo ah Shir wada tashi haddii la qabto in mawqif iyo go’aan lagu mideeysan yahay oo aan lagu kala qaybsanayn laga soo saari doono, dhinaca Xisbiyada waxaan qabaa inay isku fahmi doonaan, oo wixii dantooda ah yeeli doonaan.

Sida muuqata loolan aad u adag ayaa ka dhexeeya Xisbiyada Qaranka,markaas maxaad ugu baaqi lahayd?

Waa dhab oo inta badan Xisbiyadu wey tartamaan, laakiin waxa loo baahan yahay oo aan anigu u soo jeedin lahaa Axsaabta inay la yimadaan siyaasad hufan oo bilaa turxaan ah, oo Qabyaalad ka madhan, waxaana kula talinaya in loolankoodu noqdo mid Qaranimo ku dhisan, oo danta qaranka ilaaliyaan,oo ogaadan in tartan mooye aanay cadaawad iyo xumaani u dhexayn.

 Abaarti wali wey taagan tahay, oo hadda Jilaal baa la galay, markaas maxaad ku talin lahayd?

Haa waa dhab oo wali abaartii wey taagan tahay, oo imikana Jilaal baa la galay, waxaan se aan aad ugu mahadnaqaya uguna amaanaya dadka degan Gobolada Galbeedka oo si fiican u qaabilay soona dhaweeyey, gacan qabtayna dadkooda ka soo guuray Gobolada Barri ee abaartu haleeshay, laakiin sidaas oo ay tahay Wadamada Caalamka, Wadamada aynu jaarka nahay, Hay’addaha Caalamiga ah, Xisbiyada, Xukuumadda Ganacsatada, Qurba joogeena iyo Bulshada reer Somaliland, waxaan kula talinayaa in sama bixinta iyo gurmadka dadkeena ay abaartu hayso, oo wixii aynu tari karno aynu tarno, oo aynaan marnaba laga caasin, oo cabsida ALLE aynu badino, oo quluubteena aynu hagaajino, oo aynu isa saamaxno.

Madaama wali abaari jirto, adiga ma kula tahay inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso?

Arinta Doorashooyinka waxa u xil saarana Guddida Doorashooyinka, inay wakhtigeeda ku dhacayso iyo inay dib uga dhacaysaba, waxa go’aan ka gaadhi kara cida ay khuseeyso,laakiin waxaan ku talinayaa in la iskaga yimaado, oo go’aan mideeysan laga soo saaro.    

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews