berberatoday.com
Xisbiga Wadani Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Hargeysa Ugu Qabtay Taageerayaal Cusub Oo Ka Soo Jeeda Degaanka Saaxil Iyo Bariga Maroodi-jeex+Daawo Muuqal Iyo Sawiraba
January 14, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin, cuqaal, madax-dhaqameed, haween, dhallinyar iyo taageerayaal aad u xoog badan oo ka soo jeeda beelaha Aadan Ciise iyo Abokor Ciise ee deegaan ka soo jeeda Gobalka Saaxil iyo weli ba sida oo kale deegaanada waqooyi bari gobalka Maroodi-jeex oo ku soo biiray Xisbigaasi, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Guuleed ee Hargeysa.
Wadani dacarbudhuq

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayaha guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaal aad u tira badan.

laasgeel abdaal wadaniQaar ka mid ah odeyada oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay dhibbaatooyin badan iyo weli ba sida oo kale hagardaamooyin ba ay sheegeen in ay ka reer Berbera ahaan ka tirsanayaan Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa, iyaga oo ku eedeeyey in mudadii uu talada dalka hayey Xisbiga KULMIYE in hoos u dhac aad u weyni ku yimi is aaminaadii iyo wada jirkii umadda reer Somaliland.

wadani“Waxa aanu maanta halkan ka cadeynaynaa, in aanu dhammaantayo ku biirayno Xisbiga WADDANI, talo badan oo aanu soo rog-rognay baanu sidaas ku soo go’aaminay oo aanu sidaas soo guddoonsanay. Anagu haddii aanu nahay dadka ka soo jeeda deegaanadaas aad iyo aad bay noo dhibtay Xukuumaddu, Berbera gudaheedii na ma joogno oo Shamiitada iyo wadooyinka ka sokeeya ayaanu joogaa, mara waxa aanu rajeynaynaa in Cirro noqdo kii gudaha Berbera nagu xarayn lahaa, waxa kale oo aanu halkan si cad uga sheegaynaa in aan mar dambe na looggu soo gaban doonin dumar iyo seedinimo.”.Ayey yidhaahdeen odeyadii halkaas ka hadlay.

Siyaasi Cali Laan-gadhe, Saado Dheer iyo guddoomiyaha gobalka Saaxil ee WADDANI oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na si aada ugu dheeraaday in ay ku farxsan yihiin in maanta ay Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyaan deeegaanaddoodii oo ay sheegeen i nay muddo ba sugaayeen, waxaana ay cod fariina oo dheer ay Xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi ba ugu sheegeen in aanay marnaba u xidhnaan doonin reernimo iyo weli ba sida oo kale sodohnimo toona, balse dadka deegaanada Saaxil iyo Hargeysa ay bari ilaa galbeed ku soo midoobeen WADDANI.

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in deegaanaddiisii ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu carabka ku dhuftay in reerka uu ka soo jeedo aanay bari iyo galbeed ba cidi ka maqnayn Xisbiga WADDANI.

“Maanta aad iyo aad bay farxad iigu tahay in maanta deegaankaygii, dadkaygii dhammaantood xattaa odeyaashii oo aan ku faraxsanahay cuqaasha, odeyaasha dhallinyarada iyo haweenka ba oo dhammaantood ka kala yimi Mandheera, Bula-xaar iyo Laas-geel ba aad iyo aad u soo dhaweynaynaa. Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa aan kuu sheegayaa in ay maanta cadaatay bari iyo galbeed ba in Ciise Muuse isu dhan yahay maanta oo dhaaxaan kulahaa lagaagama dhawa se indhahaaga ayaad maanta ku aragtaa ee guddoon dadku waa dadkaagii, cidi kaama xigto ee gacmo furan ku soo dhawoow, sidaas na guusha ku qaado oo isha Allah sidaas baynu kursiga ku fuuli doonaa.”.Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Xoghayaha guud ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo isna dhankiisa halkaas erayo kooban ka jeediyey, ayaa odeyaasha iyo saladiinta ku soo biiray Xisbiga WADDANI u sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay Xisbigoodii isla mar ahaantaana uu hoggaamiyo nin ka soo jeeda magaalada Berbera.

“Labada beelood ee Abokor Ciise iyo Aadan Ciise ba aad iyo aad baan ugu so dhaweynaynaa Xisbiga WADDANI, waxaana aanu idin lee nahay walaaleyaal Xisbigu waa Xisbigiinii, marti kuma tihidin oo Xisbiga waxa hoggaaminaaya nin hayin ah oo reer Berbera ah.”Ayuu yidhi Uurcadde

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna dhankiisa hhalkaas erayo kooban ka jeediyey, ayaa sheegay “Marka hore aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa, aad iyo aad na waanu ugu faraxsanahay is garab taagiina, aad baanu ugu faraxsan nahay gurmadkiina, aad baanu ugu faraxsanahay ku soo biirista aad Xisbigiina ku soo biirteen, haddii aynu nabad qabna na waa aynu guulaysanaynaa, gobanimaddii uu tilmaamay Maxamed Xaaj Ibraahim Cigaal na way muuqataa, gobanimadu na qabiilka maahee waa garashada iyo garaadka aad ku garateen maaha kaas baad isku qabiil tihiin ee kaas baa dadka anfacaya, waxaana aan idin lee nahay soo dhawaada, aad iyo aad na waanu idin mahadinaynaa.”.Ayuu yidhi hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Ciro wadaniMurashaxa Madaxweynaha oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu si diiran u soo dhaweeyey duqeytida, cuqaasha iyo salaadiinta ku soo biirtay.

“Waxa aan si niyad ah, gacmo furan iyo qalbi san aan ku soo dhaweynayaa odeyaasha, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka ee maanta halkan ka cadeeyey in ay xoogooda, awoodooda, tamartooda iyo maalkooda ba ay ku soo biirinayaan cududa isbedel doonka ee Xisbiga WADDANI, aad iyo aad baan idiin ku mahad-naqayaa, waxa aan lee yahay walaaleyaal ku soo dhawaada WADDANI, Xisbigu ujeedo kaliya ayaa uu lee yahay oo ah in dalkan la badbaadiyo oo dadkiisa la bedbaadiyo oo xoolahiisa la badbaadiyo oo hantidiisa la badbaadiyo, taas baynu u midoobeynaa haddii Ilaahay ka dhigo.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

xirsi iyo ciroWadani laasgeel

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews