berberatoday.com
Gudida Doorashooyinka Oo La Sheegay Inay Farriin U Direen Golaha Guurtida Somaliland Iyo Nuxurka Farriiintu Xambaarsan Tahay Oo Xogo Kasoo Baxayaan
January 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargyesa(Berberatoday.com)-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in guddiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay farriin u direen golaha guurtida Somaliland.

 

Waxaana xogahan ay tibaaxeen in farriintan ay gudida komishanka doorashooyinku u direen golaha guurtida ay nuxurkeedu tahay inay golaha guurtidu kulan ka yeeshaan isla markaana ay kasoo jawaab bixiyaan qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland oo is maandhaaf ka taagan yahay,taas oo ay xisbiyada qaranka Somaliland ay ku kala afgaar duwan yihiin isla markaana aan ilaa hadda wax go’aan ah laga gaadhin.

Fariintan ayaa la sheegay sidoo kale inay gudida komishanka qaranka Somaliland ay golaha guurtida ugu baaqeen inay kulan la yeeshaan saddexda xisbi qaran isla markaana ay dhankooda kala hadlaan arrimaha laysku mandhaafsan yahay ee ay xisbiyadu ku kala fog yihiin isla markaana khusaysa qabsoomida doorashada oo labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay sheegeen in aanay munaasib ahayn in dalka doorasho ka dhacdo iyada oo xaaladan adag lagu jiro halka xisbiga KULMIYE-na uu ku adkaysanayo in la isku dhinac wado qabsoomida doorashada iyo taakulaynta dadka tabaalaysan.

Dhanka kale xogaha baligubedlemedia soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ay dalka imanayaan todobaadkan xubno ka socda dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyaga oo kulamo la qaadan doona madaxda xisbiyada qaranka iyo waliba madaxwaynaha Somaliland isla markaana kala hadli doonaan arrimaha doorashada,

Gabagabadiina golaha guurtida Somaliland Ayaan iyagu ilaa hadda ka hadal dhankooda xaalada dalku marayo iyo ismaandhaafkan xisbiyada dalku isku maandhaafsan yihiin qabsoomida doorashada madaxtooyada,sidoo kalena waxa aan ilaa hadda la garanayn go’aanka kama danbaysta ah ee kasoo bixi doona doorsahada madaxtooyada somaliland oo qorshuhu ahaa inay qabsoonto 28 March 2017-ka

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews