Mad-madow Soo Kala Dhex Galay Wasiir Sacad Iyo Madaxtooyada Oo La Xaliyay
January 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madmadow iyo Isfahan waa’ siyaasadeed oo dhawaanahan soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu guulaystay in la dhammeeyo isagoon meel fog gaadhin.
Warar soo baxay khamiistii, ayaa tilmaamay inuu xoogaystay kala aragti duwanaansho labada dhinac ah oo sababi gaadhay in Wasiir Sacad is casilo amaba madaxtooyadu xilka ka qaado, ka dib waraysi uu wasiir Sacad siiyay saxaafadda oo uu kaga hadlay dareen ay dawladda Itoobiya ka qabto saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta.