berberatoday.com
Soomaaliya: Maamulka Degmada Balad-Xaawo Oo Amaawiir Adag Ka Soo Saaray Guurka Qaaliga Ah, Kadib Markii La Faro-xumeeyay 155 Gabdhood
January 15, 2017 - Written by Berbera Today

Balad-xaawo(Berberatoday.com0-Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya, ayaa Amaawiir muhiim ah ka soo kharasha ku baxa Guurka.

Maamulka ayaa sheegay in sidan ay u samenayaan si loo fududeeyo Guurka Hablaha oo Ragga deegaankaasi uu Kharash badan kaga bixi jiray.

Maamulku sheegay in Gabadha ama haweeneyda la guursanayo ay leedahay ayna sheegan karto intii ay doonto ee uu noqonayo Meherkeedu, laakiin Gabbaatiga laga bixinayo aanu ka badan karin 600 oo doollar.

Guddoomiyaha Degmada Balad-xaawo oo Warbaahintu Shalay waydiisay waxa Xilligan keenay in Awaamiirtan la soo rogo, ayaa sheegay inay Go’aammadan soo saareen, ka dib markii ay Ogaadeen in muddooyinkii u dambeeyey Degmada Balab-xaawo lagu Faro-xumeeyay 155 Gabdhood isla-markaana ay Caloosha ku qaadeen Carruur aan Aabbo lahayn, taasi oo uu sheegay inay keentay Guurka Qaaliga ah.

Guddoomiyaha Balad-xaawo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Bayaan ay soo sareen Maxkamadda Degmada Balad-xaawo iyo Saldhigga Booliiska Degmada ayaa waxaan ku arkay 155 Gabdhood oo Carruur bilaa Aabbo ah Caloosha ku qaaday (Garcaday), ka dibna markii aanu Arrinkii aragnay waanu ka fadhiisanay oo waxaanu iswaydiinay maxaa keenaya (In Habluhu Xumaadaan), waxay noqotay Guurkii oo la Qaaliyeeyay oo Hablihii ku leeyihiin Ragga isma guursanayno haddaanad Dahab ii iibin, haddaanad Alaabta noocaas ah ii dhigin Guriga.”

Warka Soomaaliya

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu Go’aaminay in Gabbaatiga Gabadha Ugubka ahi noqdo ugu badnaa Lix boqol oo dollar ama Saddex neef oo Adhi ah, Sariir weyn, Kuraasta Caagga ah.”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews