berberatoday.com
Ugaadhsiga Xaqul-qalinka Ee Xubnaha Yar Ku Kooban Iyo Khataraha Dahsoon Ee Saldhiga Ciidamada Ee Berberi Xanbaarsan Yahay. Qalinkii A/rahman fidhinle UK.
January 15, 2017 - Written by Berbera Today

Somaliland waxay dhacdaa bogcad aad uqaali ah oo ah marin biyoodka muhiimka ah ee loo yaqaan Baab Al Mandab ( The gate of tears ) marinkaas oo sida Suez-ka oo kale isku xidha Badda cad, Bada cas iyo Badweynta Hindiya. Marinkan muhiimka ah oo uu hada ka socdo loolanka gacanka cadmeed, ayaa waxaa dhawaan Isbahaysiga Carbeed JSL ka soo codsadeen in ay Saldhig Ciidan ( military Base ) ka sameystaan Gegida Dayaaradaha ee Magaalada Berbera oo hore u ahaan jiray Garoonka Ciidamada ee Africa ugu dheer. Waxaa kale oo ilo wadareedyo udhuun daloola heshiiskani ka dhawaajiyeen in ay isbahaysigaa carbeed ay doonayaa iyana Saldhig kale oo badeed in ay ka yagleeshaan Xeebta Awliyo koonbo oo 15 km xaga Waqooyi Koonfureed ka xigta Magaalada Berbera .

Saldhigan balaadhan ayaa isbahaysiga Carbeed u ah ” strategic interest ” Waxaana uu ku fadhiisan doona dhul baaxadiisu tahay 40 Miles aquare oo Saldhig ciidanka Cirka ah ” Air Base “. Saldhigaas oo Dayaaradaha dagaalka iyo hubkoodu hogan doonaan kana dagaal geli karaan markii loo baahdo..Waxaa kale oo Saldhigan lagu kaydin doonaa hubka Ciidamada kala duwan iyo saanada dagaalka. Waxaa kale Saldhigu yeelanayaa qayb badda ah oo aan aad uga fogeyn Saldhiga Ciidanka Cirka hadii lagu heshiiyo. Saldhigaa labaad oo noqon doona Saldhiga Ciidanka Badda ” Naval Base ” ayaa isna ku fadhiisan doonta dhul baaxadiisu tahay ugu yaraan ilaa iyo 20 Miles square kaas oo Maraakiibta Dagaalku ay ku soo xidhan doonaan, hogan doonaan oo shidaalka ka qaadan karaan, kana shiraacan doonaan oo ka dagaal geli karaan.

    Hadaba Su’aalaha Qarniga ee Shacab weynaha reer Somaliland isweydiinayaan ayaa odhanaaya:
1- Dawaladan Somaliland ee ku caan baxay ugaadhsiga Xaqul-qalinka ma ku gor-gortami kartaa Saldhigan qaaliga ah ee Berbera ?
2- Hadii imaaradka carabtu ina weydiisteen saldhiga iyagu dan bay leeyihiin ee Somaliland maxay dan leedahay oo aan Xaqul-qalin aheyn ?
3- Sidee Dawlad aan la ictiraafin heshiis baaxadaas leh ula geli kartaa Dawlado baaxad leh oo aan ictiraafsaneyn oo ujeedooyinkoodu ku kooban yihiin” Security interests” ?
4- Heshiisku si cad maw-qeexayaa in ay Ciidamadda Somaliland tababarayaan, kana caawinayaan xaga saanada iyo qalabeynta?
5- Ma laga yaabaa in Ciidamada isbahaysiga Carbeed ay soo fara geliyaan Amaanka JSL oo ay isku dayaan in ay kantaroolaan Ciidanka kala duwan ee JSL ?
6- Ma laga yaabaa in uu Saldhigan iyo Ciidamadiisu ay inagu soo celiyaan khal-khal amni, iska hor-imaad Ciidan iyo Colonial Mentality ?
7- Saldhigan Caalamiga ah ee qaaliga ahi ictiraaf buuxa ma inoo goynayaa? oo ma ina ictiraafayaan ibahaysiga carbeed mise waxoogaa xaqal qalin ah baynu jaxaasanaa?

           Waa maxay Saameynta taban iyo khasaaraha muga leh ee Saldhig Ciidan oo Berbera laga dhisaa uu ku yeelan karo JSL ?

A) Saldhigani Wuxuu shacabka Somaliland ee gaadhaaya 3.5 Million-ka uu badhtanka u dhigi doonaa khatarta dagaal caalami ah ( International War )
Waayo hadii Saldhigu wax weeraro weerar celiska cida ay saameynaysaa ee ku dhimanaysaa waa shacabka Somaliland ee aan waxba galabsan.
B) Waxay Somaliland yeelanaysaa Cadow international ah oo target u noqon kara loolanka gacanka Cadmeed sida dawlada iiraan oo hub casri ah haysata.
C) Somaliland oo ah dawlad aan la ictiraafin waxay si khatar leh u dhex fadhiisanaysaa Game ama shax ay ciyaarayaan Dawlado loolamaaya oo aan ictiraafsaneyn.
D) Waxaa Saldhigani sababi karaa in ay dadka degaanka degan ay isku dhacaan Ciidamada, siiba reer miyiga oo laga xidhi doono dhulkii marinada u ahaa qaar kood.
E) Waxaa Saldhigu wax-yeelaynayaa Bay’ada Gobolka ” Environment ” maadaama ay soo kordhinayaa qiiq badan, guux iyo sanqadh badan,xashiish, fadare iyo bulaacado.
F) Maadaama ay carab kibirtay ka soo jeedaan Ciidamadu waxay bilaabi karaan in ay ugaadha iyo shimbiraha ugaadhsadaan oo ay dhasha kaluunka badda ka xaalufiyaan.
G) Waxaa laga yaabaa in ay ciidamadaasi la yimaadaa saxmad badan oo xaga gaadiidka cirka iyo dhulka ah iyo dhaqan xumo ay dadka degaanka ay kula kacaan
H) Hadii ciideena Ciidamada Cirka ee isbahaysiga iyo Ciidamo kale ku hirmadaan waxaa dhimanaaya oo god madow ku dhacaaya macagii Dowladnimada Somaliland.
I) Maadaama Somaliland aan weli la ictiraafin hadii muran, ismaan dhaaf iyo dhib weyni ay timaado , maxkamadaha aduunka kama dacwoon karno dowlad ahaan.
J) Heshiiskani wuxuu saameyn mug leh ku yeelanyaa heshiiska JSL iyo Eithiopia ka dhaxeeya maadama Ethiopia ay hore heshiis isticmaalka dekeda Somaliland ula gashay.
K) Heshiiskan waxaa gacan ku leh oo dhiniciisa xaqul qalin ka qaadanaaya madaxweynaha Somaliya ee Xassan sheikh oo aan JSL waxba u ogoleyn.
L) Heshiiskani wuxuu inoo keeni karaa colaad iyo cadaawad cusub oo aynaan haysan hubkii aynu kaga gaashaaman laheyn.

Waxaynu ka wada dheregsanahay in dawalada yar ee imaaraatku  waxa keliya ee ay hayaan ay tahay oo keliya lacag taasoo iyaga Ciidamadooda dawladaha reer Galbeedku  gaar ahaan  UK iyo USA ay u tababaraan oo ay gacanta ugu hayaan markaa iyagu dawlad ahaan xaga ciidamada aanay weli gaadhin heer ay wax tababaraan ama ka hadlaan Siyaasada iyo istiraajiyada caalamiga ah ee loolanka Gacanka Cadmeed sidaa daraadeed, Yaanay Somaliland wax aan ictiraaf aheyn aanay siisan ama ku bedelan Saldhigan melateri ee khatartiisa xanbaarsan.

Gebagebadii: Markaad is-barbar dhigto khataraha dalsoon ee ka iman kara iyo Faa’idooyinka inoogu jira Saldhig Ciidan oo laga dhiso Gegida Dayaaradaha ee Berbera, waxaa aad ubadan Khataraha dahsoon ee inooga iman kara Dal iyo Dad ahaan Sidaa daraadeed,Waxaa labada Gole ee xeer dejinta  Somaliland laga codsanayaa in Saldhigan  ay khataraha ku gedaaman taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan gaar ahaan nuxurka ku duugan isfahanka heshiiskaasi huwan yahay iyo nooca Saldhigu yahay ka dibna aanay ansixin ee ay laalaan oo ay muraadkooda sharci ka gutaan khatardiisa badan awgeed.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
qalinkii : A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews