berberatoday.com
Xasan Sheekh Oo Uu Loolan Adagi Kaga Yimid Sheekh Shariif Iyo Tilmaamaha Muujinaya Inuu Salaanka Ka Siiban Karo
January 15, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa soo waajahay loolan culus oo kaga imanaya ragga kula tartamaya doorashada Somaliya ee qorshaysan inay qabsoonto dabayaaqadda bishan January.

 

Xasan Sheekh Maxamuud,  oo ah 61  jir doonaya in mar labaad loo doorto madaxweynenimada Somaliya, ayaa wuxuu la daalaa dhacayaa mucaaradada adag ee ay isku bahaysteen siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo uu ugu culus yahay ninkii uu xilka kala wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo balan qaaday in haddii la doorto uu isbedel balaadhan ka samayn doono dalka Somaliya.

Sheekh Shariif iyo ragga kale ee iyaguna doonaya kursigan ayaa la tilmaamayaa inay heshiis ku yihiin inay Xasan Sheekh Maxamuud, kursiga kala wareegaan si kastooy ahaataba, waxaanay ku midaysanyihiin in koodii doonaa ha helee aanu Xasan Sheekh mar labaad soo noqonin.

Hase yeeshee Xasan Sheekh Maxamuud oo dareensan loolan adag ee doorashadan uu kala kulmayo, ayaa maalmahan dambe bilaabay olole xoogan oo uu isku muujinayo, waxaanu waddooyinka Muqdisho ku dhejiyay sawiradiisa oo lagu dhejiyay biro waaweyn oo lagu ladhay qoraalo horumar ka hadlaya.

Mr. Jacob Moses oo ah nin Kenyan ah oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda Somaliya, ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in Xasan Sheekh uu ku jiro dedaal siyaasadeed, balse haddana ay ka horayso mucaaradad adag oo weliba habaysan. “Murashixinta mucaaradka ahi waxay isu bahaysteen inaanu kursiga ku fadhiisin Xasan Sheekh, iyagoon u eegayn midkood heli doona, waxase ka go’an in kursiga uu midkood helo, Xasan daaqadda ka baxo.” ayuu yidhi.

Waxa iyaguna jira dawlado taageeraya qaar ka mid ah murashixiinta Xasan Sheekh la tartamaya, kuwaas oo lacag iyo taageero siyaasadeed iyaguna la garab taagan sidii murashaxa ay wataan u soo bixi lahaa islamarkaaa ay Xasan Sheekh daaqadda uga saari lahaayeen.

Geesta kale, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa iyaduna dabka ku sii hurisay doorashada mar labaad toddobaadkan la doortay guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageersanaa murashixii uu Jawaari ka adkaaday oo ah Mr. Cabdirashiid Xidig.

Kursiga guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa waxa isna ku guuldaraystay oo lagaga adkaaday Faarax Cabdiqaadir oo ah gacanta midig ee Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanay labadan qodob sii kiciyeen cabsida uu Xasan Sheekh ka qabo in mucaaradkiisa la tartamayaa ay doorashada kaga adkaadaan.

Hase yeeshee Xasan Sheekh oo ay isna taageerayaan dawlado kala duwani, ayaa waxa laga filayaa loolan adag, waxaana natiijada la ogaan doonaa dhammaadka bishan January.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews