berberatoday.com
Mayarkii Degmada Laascaanod Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mid Cusub Oo La Doortay
January 16, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Golaha deegaanka Degmada Laascaanood  ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa Shalay Guddoomiye cusub, kadib markii ay cod buuxa xilkii kaga xayuubiyeen

Guddoomiyihii hore ee Golaha deegaanka Laascaanood.

Warka Laascaanood (1)Guddoomiyaha cusub ayaa loo doortay Cabdicasiis Xuseen Xasan (Taako) oo ay gacanta u taageen 15 Xildhibaan oo ka mid 20 xildhibaan oo golaha fadhiyey.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo Shir-guddoominayey Shirka Xildhibaannada Golaha deegaanku Xilka kaga qaadeen Maayarkii Laascaanood, oo ku dhawaaqay natiijada Xildhibaannada Gacanta u taagay Maayarka cusub, ayaa sheegay in laga bilaabo Shalay  uu yahay C/casiis Xusseen Maayarka Degmada Laascaanood ee Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan kula dardaarmayaa golaha deegaanka inay sidaa ay maanta isugu duuban yihiin isugu duubnaadaan, Maayirka cusub-na waxaan leeyahay feejignaan yeelo yaan ta maanta (shalay) dhacday kugu dhicine”

Maayarkii Xilka laga qaaday Cismaan Saleebaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay Xil ka qaadista lagu sameeyay, isla-markaana uu la shaqaynayo Maayarka Cusub ee loo doortay Magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha Golaha deegaanka, ahna Maayarka cusub ee Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan (Taako), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo doortay Maayarka Laascaanood, isagoo ballan-qaaday waxqabad.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews