berberatoday.com
Muqdisho Somaliya”Kolonyo Gaadiidka AMISOM Ah Oo Si Badheedh Ah U Dulmaray Gaadhi Rakaab Siday iyo Dadkii Saarnaa Oo Xasuuqmay
January 16, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com0-10 Qof oo Shacab ah ayaa ku nafwaayey, ka dib markii Gaadhi Basaska yaryar ee Caasiga loo yaqaanno ah ay dul-mareen oo jiidheen Kolonyo Gaadiidka Ciidammada Nabad-ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ah oo Galabta marayey Jidka isku xidha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee dalka Soomaaliya.

Kolonyo Gaadiidka AMISOM Ah oo Si Badheedh ah u Dulmaray Gaadhi Rakaab Siday iyo Dadkii Saarnaa oo Xasuuqmay

 

Ciidammada AMISOM oo ku sii jeeday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa Gaadhigan oo Dad Rakaab ah siday, isla markaana u socday dhinaca Caasimadda Muqdisho ku dulmaray deegaanka Calamada, kuwaasoo Toban Ruux ku dhinteen, Tiro kalena ku dhaawacmeen halkaas.

Qof Goobjooge ah, ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay sida wax u dhaceen siday ahayd. “Dadkani waxay ahaayeen Dad rakaab ah oo saarnaa Gaadhi Caasi, oo ka yimi Degmada Afgooye, waxaanay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho, markii Kolonyadan Ciidanka AMISOM oo ka horyimi dul-mareen.” Sidaa ayuu yidhi Goob-jooguhu.

“Kolonyo ay wateen Ciidammada Amisom iyo Gaadhigii rakaabka ah, ayaa ku kulmay Waddada Calamada. Xilli Ciidammada Amisom ay ku sii jeedeen degmada Afgooye. Gaadhigii 1-aad ee Amisom ayaa dulmaray Caasigii. Waxaa goobtaa ku dhimatay 10 Qof, rakaabkii kale ee gaadhiga saarnaa ayaa noqday Dhaawac wada jajabay.” Sidaa ayuu yidhi Goob-jooguhu

Saalax Xuseen Cali oo ah Mulkiilaha Gaadhiga rakaabka siday, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxyeellada ay AMISOM u geysatay Dadka aan waxba galabsan ee Rakaabka Shacabka ah ahaa.

Ciidammada Amisom, ayaa si joogto ah u dhibaateeya Dadka Shacabka ah ee Soomaaliya ku nool, kuwaasoo ay ku laayaan Taayirrada Gaadiidkooda iyo Rasaas nool oo ay si badheedh ah ugu adeegsadaan Dad aan waxba galabsan iyo weliba Xoolaha kala duwan ee ay Dadku deegaannada magaalooyinka ka baxsan ku dhaqdaan.

Waxaa intaa dheer Tacaddiyada Kufsiga, Xadhigga iyo Garaacista ah ee ay sida ula-kaca ah ugu geystaan Shacabka. Nasiib-darro-se waxaan jirin dawlad Soomaaliyeed oo masuuliyad iska saarta xaqa iyo xuquuqda Shacabka dhibaatada joogta ah ay ku hayaan Ciidammada Ajaanibka ah ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ku sugan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews