berberatoday.com
Ururka Vosomwo Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagaga Hadlay Sidii Beelaha Gabooye Uga Qayb Qaadan Lahaayeen Siyaasadda Somaliland… Daawo Sawiirada kulankan).
January 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha la haybsooco ee Gabooye ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagaga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka siyaasada ee beelaha Gabooye ee reer Somaliland.
Kulankan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta ururka VOSOMWO, Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumada iyo xisbiyada Qaranka, Salaadiin iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiyaha ururka VOSOMWO Marwo Faysa Cabdilaahi Diiriye oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixisay ujeedada kulan, waxaanay hadalkeeda ku bilawday oo ay tidhi “Shirkan ujeedadiisu waxa weeyaan sidii kor loogu qaadilahaa dadka laga tiradda badan yahay ama la haybsooco ee xuquuqdooda aasaasiga ah iyo ta aasaasiga ah sidii ay u helilahaayeen, waxaanu shirkani daba socdaa kana mid yahay shirar aanu inta badan gobolada dalka Somaliland ka qabano oo dadkan cidina ma haybsoocdo ee waa wax dhaqanku naafeeyey oo iska soo jiray, marka xaq ayey u leeyihiin mid waxbarasho iyo mid Siyaasaddeed iyo mid caafimaadba umadda kale ayey kala mid yihiin inay helaan in kasta oo aanu dadaalo badan mudooyinkii u dambeeyey dedaalo iyo horumar ka sameynay gaar ahaan inay jirta xaga waxbarashadda, xaga aqoonta ay dadku kor u soo qaadmeen, laakiin hadana waxaad mooda inay wali xagii siyaasadda aad moodo inay ka madhan yihiin, waxa kale oo jirta dhinicii guurka ayaa iyaduna carqalad ah, marka ka urur ahaan anagu waxaanu ku dadaala sidii bal umaddani ay dadkooda kale ee Somaliland wax u la qaybsan lahaayeen korna loogu qaadilahaa noloshooda, runtii maantana meel fiican ayaa la marayaa alxamdulilaah oo marka loo eego 10 sanno ee u dambeeyey dadku sidan ma aheyn, waxaana jirtay in lays xaquuqi jiray in lays takoori jiray iyo in la odhan jiray adigu reer hebel ayaad tahay oo waxa uma qalantid imikase waxa waa laga baxay in kasta oo dadkani kala mid yihiin carqaladaha haysta dad badan oo walaalahood oo ka maqan golayaasha siyaasadda iyo meel walba”
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda ee Somaliland oo kulankaasi ka qaybgalay waxa uu kelmado dhiirigelin iyo waxyigelin bulshada ku socota uu halka ka jeediyey “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qaybgalo kulankan runtii kulano horena waan ka soo qaybgalay oo aan ugu hiilinaayo bulshaddan walaalaheena ee halkan maanta aqoon korodhsigu uga furmay, runtii imika meel wanaagsan ayaa la marayaa oo ayaamihii hore halkii aanu ka soo bilawnay meel fog ayey aheyd intaabana waan la socday anigu xaalada umaddan, waanan sii wadayaa si umaddan loo soo gaadhsiiyo shacabkooda kale ee Somaliland”
Suldaan Naasir oo ka mid ah Madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan Salaadiinta Beeshalaha la haybsooco oo kulankaasi hadal ka jeediyey wuxu yidhi “Imika takoorkii wuu iska soo dhamaaday waxa uu lahaa wakhti , waxana kuma dhamaadaan in layska ag fadhiyo oo layska dugsado ee wax waliba waxay ku dhamaadaan in laga kaco oo si dhab ah ay labada dhinacba uga hawlgalaan sidii waxyaabaha dhaqanka ku xun ee diinta ku xun ay iskaga dhex qaadilahaayeen inta ka dib waxa kale oo xaqiiq ah in wax haybsooc la yidhaahda aanu jirin waxa kale oo xaqiiq ah in aan cidi malgacad Silfar ah ama dahab ah aanay cid ku waraabineyn ee ay cid waliba u diyaar garawdo oo dhexda u xidhato oo u istaagto si dhab ah oo qiyam iyo dhaqam leh oo hagid siyaasadeed oo fogi ku jirto iyo inay umaddani isla garato sidii ay dhaqaale ahaan u soo kaban lahaayeen iyo sidii ay is dhexgal bulsho oo xoogan u sameyn lahaayeen”
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii furitaanka tababarkan loo furay xubnaha beelaha la haybsooco ka midka ah ee aqoon korodhsiga loo furay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Marka hore Illaahay ayaa mahad leh, mar labaadka waxaan u mahadcelinayaa ururka u hadla codka dadka aan urursaneyn in badan ayaan dadka dadkan u doodaya ahaa, waxyaabaha aan anigu ka soo hor jeedo waxa ka mid ah waxyaalaha warqadan ururkiinani ay imika halkan aad ku qorteen kelmadahaasi oo ah dadka la haybsooco iyo dadka laga tirade badan yahay, shaqsiyan waxaan qabaa inay kelmado khalad ah yihiin, waayo dadkan laga ma tiro badna waayo hadii imika aniga beeshayda ama beel kale ay Hargeyska kaga tiro badan yihiin iyaguna Barbara ayey kaga tiro badan yihiin oo burco ayey kaga  tiro badan yihiin oo Ceerigaabo iyo Laascaanood ayey kaga tiro badan yihiin, marka Erayga waan ka soo hor jeeda waxaanan leeyahay ha loo bedelo dadka aanu codkoodu urursaneyn”
C

 
Ugu dambeyntii waxa kulankaasi hadal ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda md Cabdi Dheere oo carabka ku dhuftay in ka Xukuumad ahaan ay diyaar u yiihiin wax kasta oo lagu kaabi kara isla markaana lagu joojin karo wax kasta oo bulshadda Gabooyaha ay kaga bixi karaan inay dadka kale ee walaalahooda reer Somaliland kala kulmaan waxyaabaha ay haybsooca iyo takoorku ka mid ka yihiin.XXDFX
Z
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews