berberatoday.com
Xisbiga KULMIYE Iyo Garabkii Aqlabiyadda UCID Ee uu Hoggaaminaayey Jamaal Cali Xuseen oo soo Gunnaanaday Wadahadalo Farsamo Oo U Socday Iyo Nuxur Lagu Soo Afmeeray
January 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Garabkii xisbiga UCID ee uu hoggaaminayey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo gunnaanaday wadahadalo farsamo oo lagu dhammaysatirayo midowgooda.
Laba guddi oo ka kala socda xisbiga KULMIYE iyo garabka murrashaxii Madaxweynaha UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo wadahadal u socday muddooyinkii u dambeeyeyba lagaga wada xaajoonayey qaabka ay u midoobayaan, gaar ahaan hannaanka garabka uu hoggaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo isagu hore shaaca uga qaaday inuu ku biiray KULMIYE ay uga mid noqonayaan xisbiga iyo doorka ay ku yeelanayaan hay’adaha kala duwan ee uu ku dhisanyahay xisbiga KULMIYE, ayaa hadda soo gaadhay la soo afjaray.
Kulan lagu soo xidhay wadahadalkan oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha garabka UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.
Waxa kaloo kulankaasi lagu saaray guddi laba dhinac ka wada socota oo ka shaqaysa xafladda shaacinta midowga isgaashaan-buuraysiga lagu sii xoojinayo bahwaynta xisbiga KULMIYE, kuwaas oo iyaguna bilaabay hawshooda isla maanta.
Hoggaamiyaha Garabka UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka sheegay kulanka sida ay ugu hanwayn yihiin inay la midoobaan KULMIYE oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ay dhiig cusub iyo xoog taageero wayn ku soo kordhinaya xisbiga, isla markaana ay ka go’antahay inay kaalin baaxad leh ka qaataan ololaha iyo dadaalka xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashada sidii uu mar labaad u qaban lahaa talada dalka Somaliland.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay kulanka, ayaa uga mahadnaqay xubnaha guddiyada wadahadlayey dadaalka ay ka sameeyeen, waxaannu si wayn u soo dhaweeyey garabka UCID oo uu ku tilmaamay inay yihiin cudud ballaadhan oo taageero cod iyo mid af iyo adinba leh ku soo kordhin doona xisbal-xaakimka KULMIYE.
Heshiiska natiijada wadahadalkan, ayaa lagu wadaa in la shaaciyo maalmaha soo socda ama toddobaadkan gudihiisa.FG
Vv
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews