berberatoday.com
Baahidu Waa Furaha Hal-Abuurka: 2 Arday Oo Afrikaan Ah Oo Sameeyey Saabuun Lagula Dagaalami Karo Kaneecada
January 17, 2017 - Written by Berbera Today

Ouagadougou(Berberatoday.com)-Koox mutadawaciin u dhashay dalka Burkina Faso ah ayaa gacanta dhex geliyey sanduuq weyn oo kaneeco dheddig oo gaajaysan laga buuxiyey, si ay u caawiyaan tijaabo lagu samaynayey saabuun dhowaan lagu ikhtiraacay dalkaas oo liddi ku ah kaneecada, si looga takhaluso cudurka Duumada ee faraha baas ku haya qaaradda Afrika.

Gerard Niyondiko oo u dhashay dalka Burundi iyo Moctar Dembele oo u dhashay dalka Burkina Faso oo labaduba arday ka ah dalka Burkina Faso ayaa curiyey samayska saabuuntan si ay malaayiin qof oo reer Afrika ah oo halis u ah cudurka Duumada ugu noqoto ka hortag ka ilaaliya qaniinyada kaneecada.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegayaa in saabuuntan oo sida kiriimka maqaarka inta aanu dharku qarinayn loo marinayaa waxa ay leedahay ur xoog badan oo aanay kaneecadu jeclaysanayn. in kasta oo ay labada hal-abuur qariyeen waxa ay dhab ahaan ka kooban tahay si ay uga warsugaan inta ay tijaabadeedu sax noqonayso kadibna loo siinayo xaq lahaanshiyaha fikirka samayska saabbuuntan, haddana si guud waxa ay ka kooban tahay saliido laga sameeyey dhir kala duwan oo Afrika ka baxda, waxa aana la aaminsan yahay in taasi ay sababi doonto in qiimaha saabbuuntani aad u jabnaado, dad badanina goyn kari doonaan.

Gerard Niyondiko oo ka sheekeeyey saabbuuntan ayaa sheegay in dhibta ugu badani ka taagnayd dadka oo aan wada goyn karin iibka maro kaneecada oo qasab ay noqonayso in qof kasta oo qoyska ka mid ah loo iibiyo mid, iyo weliba xaaladda heerkulka ee sarreeya oo marar badan kallifaysa in dadku bed-beddelaan goobta ay seexanayaan sida in ay bannaanka seexdaan, taasina ay dhib ka dhigayso in ay is daba wadaan maro kaneecada, in lagaga nasan doono saabbuuntan oo qiimaheedu yahay mid dadka oo dhami goyn karaan, isla markaana mid keliya oo ka mid ah uu qoyska oo dhami muddo wada isticmaali karo, iyo arrinta kale ee muhiimka ah oo ah in saabbuuntan qofku ku dhaashan karo saacad kasta habeen iyo maalinba iyada oo aanu waxba ka beddelayn shaqadiisa iyo hab nololeedkiisa caadiga ah.

Saabbuuntan oo hadda la filayo in shirkado badan iyo haayado caalami ahi ay maalgeliyaan ayaa bilowgeeda loogu talogalay lixda dal ee Koonfurta lama-degaanka Afrika oo ah kuwa uu cudurkani dadka ugu badan ku dilo, kuwaas oo uu ka mid yahay dalka Burkina Faso. Laakiin maalgelinta ka hor waa in haayadda caafimaad adduunku ku samayso tijaabo cilmiya oo aad u adag si ay u ogolaato in la isticmaali karo saabbuuntan loo bixiyey Saabbuunta Faso (Faso soap)

In kasta oo labadan arday ay fikirka samaynta saabbuuntan heleen sannadkii 2013ka haddana tan iyo sannadkii 2015 ma’ay bilaabin tijaabadeeda iyo samaynteeda sababo la xidhiidha dhaqaale la’aan. Tirokoobyadii u dambeeyey ee lagu sameeyey heerka duumadu ka marayso dunida ayaa lagu ogaaday in 2 daqiiqo oo kasta ilmo yar sababta kaneecada dunida ugu dhinto, halka 270 Milyan oo qof oo Afrikaan ahina ay ku nool yihiin xaalad aanay ka hortag iyo difaac midna ka haysan duumada, warkaug uxun ee dunida ku soo kordhayna waa in kaneecada hadda dunida ku nooli ay qabatintay dawada cayaan dilaha ah ee Insecticides, oo ah waxa keliya ee dadka Afrika badankoodu kula dagaalamaan kaneecada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews