berberatoday.com
Halkee Ayay Ku Taalaa Magaalada Ugu Qabawga Badan Adduunku Oo Dhan
January 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tuulo ku taala dalka Russia oo magceeda la yidhaahdo Oymyakon ayaa la xaqiijiyay inay tahay Tuulada ugu qabaw Adduunka.

Heer kulka tuuladan ayaa la sheegay inuu ka hooseeyo 70 Degree Darajada Eberka, run ahaantii waa qabaw aan qofka caadiga ahi xamilayn.

tuulada ruushkaTuuladan waxa ku nool 500 oo qof oo kaliya qabawga aadka u badan awgiina waxa dhulka tuuladaasi ka baxaa ma jiraan, dadkuna ma awoodaan inay wax beertaan waayo?, Haddii ay beertaan ma jiro waxa ugu soo baxaya.

Arrinta kale ee aadka u layaabka badan ayaa noqotay in dadka ku nool tuuladani ay cunnaan hillibka Fardaha si ay iskaga caabiyaan qabawga, waxaanay aaminsan yihiin in cunitaanka hillibka farduhu uu yahay mid ka caabinaya qabawgaasi.

Dhinaca kale magaca tuuladan oo ah Oymyakon ayaa macnihiisu uu yahay “Biyaha aan fadhiyin”.

Waxa kale oo aad u layaab badan in xilliga qabawga dadka magaaladaasi ku nooli ay maalintoodu tahay 3 saacadood oo kaliya halka habeenkuna uu yahay 21 saacadood, dhibaatooyinka ugu badan ee soo waajaha dadka tuuladaasi ku nool ayaa waxa ka mid ah inay dhibaato ka soo gaadho isticmaalka Qalinka waxa lagu qoro oo istaaga marka wax lagu qorayo iyo sidoo kale Murraayadaha indhaha ee ay dadku xidhaan oo ku dhega wajiga qofka xidha qabaw awgii, dadka ku nool tuuladaasi ee baabuurta watta ayaan bakhtiin gaadiidka maalintii oo dhan iyaga oo ka cabsi qaba inuu u shaqayn waayo amase istaadhmi waayo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews