berberatoday.com
Khamriga Oo Mar Kale La Caddeeyey In Uu Sababo Cudurro Khatar Ku Ah Nolosha Aadamaha
January 17, 2017 - Written by Berbera Today

khamkaaWashington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda American College of Cardiology ee ka faalloota caafimaadka wadnaha ayaa lagu ogaaday in dadka cabba khamrigu ay khatar u yihiin in ay ku dhacaan noocyada kala duwan ee cudurrada wadnaha.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sii iftiimisay noocyada cudurrada ugu badan ee dadka khamriga cabba ku dhaca in ay ka mid yihiin, Wadna qabadka (Heart Attack),wadnaha oo hawlgaba, (Heart failure), Wadne Gariirka (Atrial Fibrillation) iyaga oo dhinaca kalana cilmibaadhayaashu caddeeyey in cudurradaas wadnaha ku dhacaa ay sidoo kale ku yimaaddaan sababo ay ka mid yihiin, sigaar nuugista, buurnimada, macaanka iyo dhiigkarka.

Cilmibaadhistan oo socotay muddo Shan sano ah ayaa laga sameeyey warbixinaha caafimaad ee dad tiradoodu ka badan tahay 15 Milyan oo deegaanka gobalka California ee dalka Maraykanka ah, iyada oo si gaar ah loo ogaaday in boqolkiiba 2 dadkaa ka mid ahi ay ahaayeen kuwo khamriga iyo maandooriyaha kale cabba.

Waxa ay sheegeen cilmibaadhayaashu in ay ogaadeen in dadka khamriga cabbaa ay ahaayeen kuwa ugu badan ee lagu arkay wadne gariirka oo ah in garaaca wadnuhu uu khalkhalo oo si aan nidaamsanayn uu ku garaaco. Sidoo kale waxaa dadkan ku badan wadnaha oo hawlgab noqda oo macnaheedu yahay in uu shaqadiisa wada qabsan kari waayo.

Cilmibaadhayaashu waxa ay rajeeyeen in natiijadoodani ay digniin u noqoto dadka khamriga cabba oo ay ka joogsadaan cabbista khamriga iyo guud ahaanba qaadashada daroogada nooc kasta oo ay tahay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews