Qaramada Midoobey Oo Shaacisay Tirada Dadka Ku Dhintey Colaadaha Iyo Dagaalada Dalka Yemen Kasocda
January 17, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Madaxa arrimaha gargaarka ee dalka Yemen ayaa soo saaray
tirada dhimashada ee dadka Yemen ku dhintay muddadii dagaalka uu halkaasi ka socday.

Warkan ayaa lagu sheegay in ku dhowaad tobon kun oo qof ay dagaalada Yemen ku dhinteen tan iyo sanadkii 2015-ka markii kooxda Xuutiyiinta lagu qaaday weeraradii ay dowladda Sacuudiga hoggaaminaysay.