berberatoday.com
Shirkadda Nokia Oo Suuqa Ku Soo Noqotay Iyo Talefannadeeda Casriga Ah Ee Ugu Dambeeyey
January 17, 2017 - Written by Berbera Today

nokiaHelsinki(Berberatoday.com)- Shirkadda  HMD Global oo dalka Finland laga leeyahay ayaa Axaddii Toddobaadkan ku dhawaaqday in ay xaq u leedahay in ay soo saarto talefanno leh calaamadda caalamiga ah ee shirkadda Nokia, iyada oo ku bilaabi doonta talefanno casri ah oo suuqyada dalka China loogu talogalay qiimahooduna yahay 246 Doolar oo keliya.

Talefanka cusub oo noqonaya talefankii casri ah ee ugu horreeyey ee sita magaca Nokia tan iyo sannadkii 2014kii oo ahayd markii shirkaddani ay go’aansatay in ay qaybteeda talefannada soo saari jirtay ee Nokia ka iibiso shirkadda weyn ee Microsoft.

Talefankan ay shirkadda Nokia hadda soo saartay oo lagu magacaabo Nokia 6 waxa uu ku shaqaynayaa barnaamijka Android ee shirkadda Google samayso, waxa aanay shirkadda HDM global sheegtay in si gaar ah suuqyada Shiinaha uun loogu iibin doono. Shirkaddu waxa ay sheegtay in macaamiisha ay bartilmaameedka ka dhigatay suuqyada dunida in ay wax kaga iibsadaan ay yihiin shaqaalaha oo ay u aragto in ay yihiin suuq Istaraatiji ah.

Shirkadda Nokia waxaa soo maray taariikh ay iyadu suuqa samaynta talefannada ee dunida ugu sarraysay, laakiin waxa ay ku hadhay geeddigii kacaankii isbeddelka talefannada ee mar keliya dunida ka hirgalay oo ahaa markii la soo saaray talefanada casriga ah, mar dambe ayaa ay isku dayday in ay suuqa dib u soo cidhiidhsato oo ay soo saartay talefanno casri ah oo ay u bixisay Nokia Lumia oo ah noocyo kala duwan oo ku shaqaynaya barnaamijka Microsoft. Sannadkii 2014kii ayaa ay shirkaddu bilowday in ay soo saarto talefannada gacanta oo caadiya (Aan Casri ahayn) Qiimahooduna jaban yahay, iyada oo sii barbar wadday talefannadeeda casriga ahaa ee Lumia, laakiin waxa ay labadan hawloodba faraha ka qaadday sannadkii 2016kii. Shirkadda Nokia intii aanay talefannada casriga ahi soo bixin waxa ay caan ku ahayd talefanno aad u tayo badan oo ay macaamiisha dunida oo dhami xiiseeyaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews