berberatoday.com
Warbixin Cusub Oo Lagu Cadeeyey Halka Ay Ka Soo Jeedaan Dad U Kala Dhashay Waddamo Kala Duwan
January 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbixintan ayaa lagu cadeeyey in Dadka u dhashay Dalka Iran 56% ay ka soo jeedaan Carab, warbixin ayaa cadaynaysa halka ay ka soo jeedaan Dadka u dhashay Dalalka kala Duwan ee Adduunka, waxaana soo saarey Koox ka tirsan shabakada National  Geographic!

warka ShucuubtaShucuubta dunida ku nooli way iskaga dhaw yihiin sida ay filayaan taa macnaheedu ma aha dhinaca xidhiidhka iyo Tiknaloojiyada isku soo dhawaysay dadka ee dunida ka dhigtay tuulo yar oo dadka ku nooli is wada xaal og yihiin, isku dhawaanshaha aynu sheegayna waa ka wada dhalashada, waxaana arrintaasi cadaysay cilmi-baadhis ay wadeen muddo lix sano ah koox ka tirsan shabakada National Geographic, mashuurcan oo aan hore loo arag ayaa loogu magac daray Jenougravek Project oo loogu tala galay in lagu cadeeyo xidhiidhka wada dhalasho ee ka dhexeeya shucuubta Adduunka ku wada nool.

Mashruucan ayaa waxa la bilaabay sanadkii 2005tii, waxaana lagu baadhayay Usuusha dadka iyo iyo sidoo kale halka ay ka soo jeedaan Dawlad kasta dadka ku nooli.

Mashruucan ayaa ugu horreyn lagu cadeeyay dadka ku nool Iran oo iyagu sheegta in ay ka soo jeedaan Faarisiyiintii aanay waxba ka jirin waxaan la ogaaday kadib markii la baadhay Dhiiga D.N.A-ga dadka ku nool dalkaasi in 56% Dadka Iraaniyiinta ahi ay ka soo jeedaan Carab, halka 24% dadka ku nool Dalkaasi ay ka soo jeedaan dalalka Koonfurta Asia 20% kale ee soo hadhay waxay ka soo jeedaan Qoomiyado kala duwan.

Dhinaca kale Dalka Masar oo ah Dalka ugu Dadka badan Dalalka Carabta ayaa sidoo kale uu mashruucani cadeeyay in aanay Carab ahayn, waxaana la cadeeyay in 17% Dadka u dhashay Dalkaasi Masar kaliya ay yihiin Carab halka 68% Dadka ku nool Dalkaasi ay Usuushoodu ka soo jeedo Dalalka Waqooyiga Afrika halka 5% soo hadhay usuushoodu ay ka soo jeedo Qoomiyada kala duwan oo aan Carab ahayn.

Dalka lebonan ayaa sidoo kale mashruucani cadeeyay in Dadka ku nool Dalkaasi 44% kaliya ay Usuushoodu ka soo jeedo Carab 14% Dadka ku nool Dalkaasina waxa ay Usuushoodu ka soo jeedaa Yuhuud 10% waxa ay ka soo jeedaan Asia 5% waxa ay ka soo jeedaan Dalalka Yurub sida lagu cadeeyay warbixinta ka soo baxday Mashruucani .

Mashruucan ayaa sidoo kale Dalka Tunisia ka soo saaray warbixin aad u la yaab badan waxa aanu cadeeyay in Dadka ku nool Dalkaasi 4% kaliya ay Usuudhoodu ka soo jeedo Carab, halka 86% ay ka Usuushoodu ka soo jeedo Afrika.

Dalka Britain ayaa sidoo kale mashruucani uu ka soo saaray warbixin aad u muhiim ah waxa aanay mashruucani cadeeyay in aanay waxba ka jirin arrinta Dad badan aaminsan yihiin ee ah in Dadka ku nool Dalkaasi ay ka soo jeedaan Dalal kala duwan oo aanay Asal ahaan ka soo jeedin Dalkaasi, balse waxa uu mashruucani cadeeyay in 69% Dadka ku nool Dalkaasi ay Asal ahaan ka soo jeedaan Dadka ku dhaqmay Dawlada Great Britain iyo sidoo kale Dalka Ireland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews