berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Shaaciyey Tirada Carruurta La Tuuray Ee Sanadkii Dhammaaday 2016
January 18, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamed Xirsi(beergeel), ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee carruurta la tuuray sanadkii tegay ee dib ugu soo noqotay gacanta dawladda.

Guddoomiyaha oo maalintii shalay ka warbixinayey kiisaskii sanadkii galbaday maxkamadda uu masuulka ka yahay soo maray, ayaa sheegay in sanadkaas la tuuray ubad tiradoodu gaadhay 81- carruur ah, kuwaas oo hooyooyinkii dhalay iska soo tuureen, isla-markaana dawladdu gacanta ku hayso oo lagu xannaaneeyo xarumaha agoomaha ee qaranku leeyahay.

Guddoomiye Beer-geel, isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi,“carruuraha agoomaha ee sanadkii 2016-kii ay maxkamadda degmadu geysay xarumaha agoomaha ee lagu xannaaneeyaa waxa ay ahaayeen 81-ubad ah oo carruurtii meelahaas lagu tuuray ahayd, kadibna daryeelkooda dawladda ayaa ka masuul ah sida uu sheegayo qoddobka 19-aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ubadkaas dhammaantood baadhitaan dheer kadib la ogaaday in hooyooyinkii dhalay ka maarmeen, isla-markaana noloshooda halis geliyeen markii ay goobo kala duwan kusoo daadiyeen,“Carruurtaas Booliska ayaa soo qaaday oo baadhis markii ay sameeyeen ee xeer ilaalinta soo mariyeen markii ay maxkamaddu ku qanacday ilmahaas in la tuuray oo aanu Aabe iyo Hooyo midna lahayn ee maragyadii la qaaday lagu qancay, waxa ay maxkamaddu u gudbisay si uu ilmahaasi farxad u helo oo uu daryeel iyo noloshii waalidka u helo xarumaha agoomaha oo ay dawalddu gacanta ku hayso” ayuu yidhi Cabdirashiid Beer-geel.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews