berberatoday.com
Wasiir Guddida Abaaraha Katirsan Oo Ka Cawday Qaabka Shaqadooda Loo Dhaliilo
January 18, 2017 - Written by Berbera Today

“Sida adduunka dad lama taabtaan ahi u jiraan baynu inaguna leenahay dad la xurmeeyo  dadkaasna(guddida abaaraha) tuurtuurka iyo is-weydiinta iyo tolow xaggay mareenta aynu ka dayno”Wasiir Cadami.

wasiir cadami

  Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cadami oo haatan xubin ka ah guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran, ayaa cabasho ka muujiyey dhaliilo guddidaas loo jeediyo oo la xidhiidha dhinaca waxtar la’aanta, waxana uu soo jeediyey in arrintaas hoos loo dhigo.

Wasiirka oo ka hadlayey kulan ay guddida abaaruhu kaga warbixinayeen halka wax u marayaan, ayaa guddida ku tilmaamay qaar biri-ma-geydo ah oo aan u baahnayn in la dhaliilo, waxana uu  sheegay inay shaqada  bulshada ku maqan yihiin, isla-markaana aanay awoodin inay buuxiyaan dhammaan baahiyaha wakhtigan jira.

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadamo oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi,“sida adduunka dad lama taabtaan ahi u jiraan baynu inaguna leenahay dad la xurmeeyo oo ilaahay ka baqaya umaddiisana weji ku leh, dadkaasna tuurtuurka iyo is-weydiinta iyo tolow xaggay mareenta aynu ka dayno, waxana la arkaa ragga joogaa inay gawaadhi wataan oo aanay meeshuba qaadi karin, haddii aynu isugu nimaadnona duruuftu inoo saamixi mayso”

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo baxayey dhaliilo bulshada kala duwan ka imanayey oo farta ku fiiqayey shaqada guddida abaaraha iyo sida ay hawshoodu gaabiska u tahay, waxana bulshadu si gaar ah farta ugu fiiqayeen nidaamka ay caawimooyinka loo dhiibo u bixiyaan iyo weliba sida aanay usoo bandhigin hantida gacantooda soo gashay iyo sida ay u qorsheeyaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews