Al-shabaab Oo Toogatay Askari Ay Afduub Kaga Haysay Ciidammada Uganda Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Soomaaliya
January 19, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxda Al-shabaab ayaa dishay Askari ka tirsanaa Ciidammada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo ay muddo dheer Gacanta ku hayeen.
Sidaana waxa sheegay Bogagga Internet-ka ee taageera Kooxda A-shabaab, kuwaasi oo soo bandhigay Sawirka iyo muuqaal video ah, kaa soo ah dil ay ku fulisay Askariga u dhashay Dalka Uganda ee muddada dheer u xidhnaa.
Muuqaal kooban ayaa lagu soo bandhigay askarigan oo magaciisa lagu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay saldhig milatari oo ay ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.