Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Hawl Galo Ka Bilaabay Gudaha Somaliland Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Hawlgalkaas Ay Bilaabeen H
January 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada laanta socdaalka Somaliland ayaa hawlo galo ay ku qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darro-da ah ugu jooga dalka ka bilaabay gudaha magaalooyinka Somaliland..

Waxaana ciidankan laanta socdaalka oo gawaadhi wataa ay qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee aan haysan warqada qoxuuntiga ee ay dal kusoo galeen,waxaana ciidanka laanta socdaalka oo kaashanaya ciidamada boolisku ay qabqabanayeen cid kaste oo ajaaniba ah oo aan dalka u dhalan isla markaana aan haysan warqadii quxuuntiga ee ay dalka kusoogaleen ayna kamid yihiin dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Itoobiya iyo Yamen.