berberatoday.com
Khiyaamo Qaran:Heshiiska Saldhiga Imaaraatka Ee Uu Ololeynayo Baashe Morgan Oo Hoos Imanaya Ogolaanshe Ay Bixisay Dawladda Xamar
January 19, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Heshiiska uu olelaha weyn ugu jiro wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil in dalka Imaaraatka saldhig ciidan laga siiyo xeebta Berbera ayaa waxay Haatuf  xaqiijinaysa in heshiiskaasi uu hoosimanayo heshiis guud oo ay Imaaraatku la galeen dawlada Xamar ee cadawga u ah gooni-isu-taaga iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.Dawladda Imaraatka ayaan ilaa hadda aqoonsanayn Somaliland balse aqoonsan dawladda Somalia ee sheegata inay Somaliland iyada hoos timaaddo sida dawlad goboleedyada kale ee ka jira Somalia ay u hoosyimaadaan.

 

Baashe Cawil oo waqtigan xaaadirka Hargeysa ku sugan ayaa si laxaad leh ugu ololeynaya in Baarlamanka la horgeeyo lagana ansixiyo heshiis ay Somaliland la galayso dawladda Imaaraatka oo ay ugu ogolaanayso saldhig milatari oo dherarkiisu yahay 80 km inay ku yeeshaan xeebta Berbera.Hasa yeeshee waxa kale oo jira heshiis dhawaan dhex maray Imaaraatka iyo dawladda Somalia oo dalad u noqonaya heshiiska Saldhiga ee ay Imaaraatku doonayaan inay la galaan Somaliland taasoo khatar weyn galinaysa madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland maa daama ay dawladda Xamar iyo Imaaratku yeelanayaan talada iyo awooda go’aaminta  kama dambeysta ah ee ku tacaluqsan siyaabaha loo hirgalinayo ama mustaqbalka wax-looga badeli karo ama  looga bixi karo heshiiskaa.Waxa kale oo uu heshiisku uu Imaaraatka u saamaxayaa inay adeegsadaan ciidamo Masaari ah oo ay keenaan saldhiga cirka iyo badda ee ay rabaan inay ka sameystaan Berbara taasoo suurtogalin karta inay xoogagagaasi iyo Somalia isu kaashadaan sidii ay  Somaliland u qabsan lahaayeen.Ujeedada ugu weyn ee ay Imaaraatku u danaynayaan saldhiga ay Berbera ku yeeshaan waxay tahay in madaarka Berbera ay diyaaradahooda dagaalku ka duqeeyaan ciidamada ay dagaalka kula jiraan ee Xuutiyiinta Yeman isla markaana ka hortagaan ciidamada badda ee Iiraan si aanay xeebta Somaliland uga taakulaynin Xutiyiinta ay isku xulafada yihiiin.Hadaba Somaliland halista ay hahawlgalada milatari ee caynkaas ahi u soo jiidi karaan waxay tahay Xutiyiinta oo kaga jawaaba gantaalada ridada dheer oo ay ku soo ganaan Berbera iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaala dhulka Somaliland.Xuutiyiintu waxay haystaan sawaariikhda Iskander ee dalka Iiraan lagu sameeyo ee gaadha ilaa 800 km waxaana rideyaal iyo hogaamiyeyaal ka ah saraakiil reer Iiraan.Waxa kale oo ay adeegsadaan saaruukh ka rido gaaban oo loo yaqaan Scud(Iskad).

Bashe Cawil oo isticmaala awoodii madaxweynaha Somaliland ayaa ah qofka kaliya ee Imaaraatka kala soo xaajooday arinta saldhiga islamarkaana isagu haatan dabada ka riixaya in heshiiska saldhiga laga ansixiyo baarlamanka iyadoo aanay ku xidhnayn wax shuruud ah oo ay Somaliland kaga faaiidaysanayso  lacag Baashe ka soo galaysa mooyaane.

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews