berberatoday.com
Labadii Hablood Ee Bush Oo Dhambaal Talo Ah Hawada U Mariyey Hablaha Obama Oo Shan Maalmood Kadib Guriga Cad Ka Guuri Doona
January 19, 2017 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Barbara iyo Jenna oo ah labada hablood ee uu dhalay madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush ayaa dhambaal qoraal ah hawada u mariyey Malia iyo Sasha oo ah labada hablood ee madaxweynaha hadda xilka ka sii degeya Barak Obama, iyaga oo u soo jeedinaya talooyinka ay u arkaan in ay xaaladda hadda oo kale ku habboon yihiin. Ugana warramaya duruufaha kala duwan ee nolosha guriga Cad iyo nolosha caadiga ah.

Labada hablood ee Bush oo ah mataano 35 jir ah, ayaa maqaalkooda ku soo beegay toddobaad uun ka hor marka uu madaxweyne Obama sagootiyi doono guriga Cad ee uu Siddeedii sano ee u dambeeyey ka arriminayey.

Maqaalkan oo khamiistii toddobaadkii dhowaa lagu faafiyey majaladda TIME Magazine ee internet ka laga daalacdo, waxa ay mataanaha ilma Bush ku yidhaahdeen, “Siddeed sano ka hor, galabnimo aad u dhaxan badan oo ahayd bishii Kow iyo Tobnaad ayaa aanu idinku soo dhoweynay kaabadda Guriga Cad. Indhihiina ayaa aanu ka arkaynay xamaasadda iyo haddana taxaddarka dareenkiina ka turjumayey. Waxa aanay intaas ku sii dareen, “Siddeedaa sano gudahood, guulo badan ayaa aad gaadheen, wax  badanna waa aad u soo joogteen, waxa  aad maalintaas ahaydeen laba hablood oo yaryar, waxa  se’ aad noqoteen gashaantimo kibir la’aan iyo qurux lagu yaqaan. Imika kadibna waxa aad ku soo biiraysaan Koox (Naadi) kale oo aad u cidhiidhi ah, saxmaddiisuna yar tahay, waa Naadiga lagu magacaabo, ‘Carruurtii Koowaad ee Hore’

Waa xaalad cusub, oo aanad adigu raadsan ee aad ku qasabn tahay, cidina aanay ku hagayn. Laakiin maanta wax badan oo aad hiigsataan ayaa aad haysataan, waxa aad qori doontaa sheekada noloshii aad ku hoos noolaydeen hadhka waalidkiin oo caan ah. Waxa aanad haysataan waayo-aragnimadii Siddeeda sano”

Hablaha ilma Bush waxa ay xuseen in nolosha guriga Cad aanay wada qurux badnayn, culayska ilaalada mar kasta iyo meel kasta ku daba joogaysay, iyo dhalleecaynta habeen iyo maalinba kaaga imanaysa mucaaradka siyaasadda aabahaa”

Ayaa ay sheegeen in ay ka mid tahay dhibta ku ladhan nolosha qasriga looga taliyo Maraykanka. Iyaga oo intaas ku si idaray, “Waxa aad si joogto ah ugu noolaanaysay nolosha cadaadiska badan ee guriga Cad, waxa aad dhegeysanaysay dhalleecaynta iyo naqdiga kulul ee aabahaa kaga imanaya dad aanu xitaa qaarkood weligiiba la kulmin. Waxa aad u soo taagnaanaysaa waalidkaaga qiimaha badan oo cinwaannada warbaahinta lagu yasayo” ayaa ka midahayd qoraalka mataanaha Bush hawada u soo mariyeen habalaha Obama.

Malia Obama oo 8 jir ah ayaa uu aabaheed xilka qabtay, maanta se’ waa  18 sano jir sannadkan ka baxday dugsiga sare, waxa aanu qorshuhu yahay in ay hal sano ka nasato waxbarashii muddada dheer u soo taxnayd ee dugsiga, kadibna ay sannadka dambe gasho jaamacadda Harvard. Walaasheeda ka yari Waa Sasha Obama, oo iyadu 15 sano jirsatay, weli waxa ay dhigataa dugsiga, waana iyada ta keentay sababta uu Obama u go’aansaday in marka uu xilka ka tago aanu dhaqso uga guurin Washington, waayo waxa uu sugayaa saddexda sano ee ay uga hadhay dhamaysashaa dugsiga sare.

Mataanaha Ilma Bush farruunta talada ah ee ay u soo direen walaalaha ilma Obama, waxa ay siiyeen talooyin ay ka mid tahay, in ay ku faro-adaygaan waxbarashada heer jaamacadeed ee ay bilaabayaan.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews