berberatoday.com
Madaxweyne Silaanyo Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Maroodi-Jeex
January 19, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex u magacaabay masuul cusub oo la yidhaa Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale).

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka Madaxtooyada, waxaanu u dhignaa:-

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews