berberatoday.com
Noocyo Ka Mid Ah Cuntada Dalkeenna Laga Helo Oo Ay Khubarada Caafimaadka Ka Digeen In Ay Kansarka Keeni Karaan
January 19, 2017 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Maalin kasta waxa aynu aragnaa digniino caafimaad oo cusub oo sheegaya caafimaad darrooyin ku lammaan noocyo cuntadeenna ka mid ah, qaarkoodna sheegayaanba in kansar ay keeni karto cuntadaasi, laakiin haddana muddo kadib ayaa aynu aragnaa qoraallo kale oo sheegaya in warkaas hore been abuur ahaa.

Haddaba majaladda  caanka ah ee Reader’s Digest oo Sannadkii 10 jeer ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa cadadkeediiu dambeeyey waraysatay koox kala duwan oo ah dhakhaatiir ku xeeldheer burooyinka kansar, iyada oo weydiinaysa waxa ka run ah in cuntooyinka qaar ay sabab u noqon karaan cudurka Kansarka, waxa aanay hoosta ka xariiqeen noocyo badan oo cuntada ka mid ah.

Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu ku soo ururiyey cuntooyinka Soomaalidu isticmaasho ee ka mid ah kuwan ay dhakhaatiirtu ka digeen in ay khatar caafimaad darro keeni karaan, waxa aanay yihiin:

1. Saloolka:

Bare-sare  Etan Ivanov oo shahaadada sare ee PhD da haysta, madaxna ka ah xarunta Lautenberg ee cilmibaadhista ka-hortagga iyo Kansarka, ayaa yidhi, “Saloolka lagu diyaariyo Microwave ka (Mishiinka moofada ah ee korontada ku shaqeeya) waxa uu cabbaa dufanka samayska ah iyo qiiqa ka soo baxaya, kaas oo uu ku dhex jiro isku-dhis sababa kansarka noociisa sambabka ku dhaca” Isku-dhiskan oo lagu naanayso bamka subagga waxa  uu saloolka siiyaa dhadhanka gaarka ah iyo urta lagu xiiseeyo.

Dhinaca kalana wakaaladda dhowrista deegaanka ee dalka Maraykanka (United States Environmental Protection Agency) ayaa sheegtay in asiidhka Perfluorooctanoic (PFOA) oo ku jira saloolku uu aad ugu dhow  yahay in uu sababo Kansar.

2. Hilibka Solan (Dhuxusha lagu dubo)

Kulaylka aadka u badan ee loo adeegsato dubista cuntooyinka leh asiidhka aromatic amino oo hilibku ka mid yahay, iyo sidoo kale cuntooyinka ah aromatic hydrocarbon ay sababaan kansar. Dhinaca kalana haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa xaqiijisay in hilibka xooluhu uusababi karo Kansar.

Waxa ay khubaradu sheegeen in khatartan hilibku sidoo kale sii badato marka lagu kariyo dhuxusha oo ay ku jiraan maaddooyin kansar.

3. Sonkorta macaanka loo cuno:

Warbixintani waxa ay sheegaysaa in u sonkorta nooca lagu beddesho sonkorta kale ee inta badan ay isticmaalaan dadka macaanka qaba ama iska dhowraya khatarta sonkorta kale ay noocyo badan oo ka mid ahi keenaan Kansarka.

Subaga la dhallaan rogay:

Subaggan oo ereygan aynu u isticmaalnay aanu ahayn mid cilmiya waxa uu samaysmaa marka ay shirkaduhu saliidda dareeraha ah u rogaan subag adke ah, kadibna ay ku daraan wax-soo-saarkooda qaar, iyaga oo uga dan leh in uu raajiyo cimriga jiritaanka cuntada ay sameeyeen, sidoo kalana dhadhankeeda ka dhigta mid sugan. Sida Jibiska warshadaysan, keegagga, cuntooyinka fudud sida Beergarrada, busbaaska warshadaysan, cuntooyinka la shiilo, iyo inta badan ee macmacaannada kala duwan.

Waxa ay khubaradu si aad ah uga digayaan in la isticmaalo cuntooyinka uu ku jiro subaggan la fadhiisiyey oo inta badan loo qoro Trans Fat ama hydrogenated oil, iyaga oo sheegay in uu keeno cudurka kansarka. Sidoo kale waxa ay shirkadaha qaar u qoraan saliiddan PHOs oo aad ka helayso dusha sare ee kartoonka ama qasacadda halka uu ku qoran yahay macluumaadku.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews