berberatoday.com
“Xisbiyadan Tartamayiyo Kursigan Wada Xajiimaysan. Xawaaraha Qasriga Loogu Jiro Damacan Xoogaystay.Siyaasiga Uxaytiyo Shacbigan Xerada Loo Ootay.Xilkan Laysku Jiidh Iyo Arliga Kii Xukumi Laaye”Gabayga Xodxodasho Iyo ABwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool
January 19, 2017 - Written by Berbera Today

GABAYGA XODXODASHO OO KA HADLAYA XISBIYADA IYO SIDA AY BULSHADA UGU DANAYSTAAN WAXA TIRIYAY XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL ) WUXU SOO BAXAY 19.JANUARY.2017. WAXAANU KU BILAABAY SIDAN HOOS KU QORAN :- WUXU YIDHI :- Xikmad shilis murtida wada xulka ah xarafyo miisaan leh.

Xog dahsoon xisaabtiyo wakhtiga xiisadaha taagan.

Xiligaan u eegaa Tixaa waw xidigiyaaye.

Xaqiiqdiyo bulshada waxan tusaa xubin ka daahnayde.

Xakamaha ayaantaan sudhee xaashi ugu duugo.

Waxa laygu xoomaa sidii sheekh xadiis wada’e.

Kama xiiso gooyaan nafluhu xooxda sigadow’we.

Adigaa xasuusloo ahaa gabay xariifkiiye.

Xafid oo rashiidoow ka dhawr tuugu yuu xadine.

Xanaaneeya dheha Caato iyo sacad xuruuftayda.

Afartaa xariirta ah intoon mariyay xeerkiisa.

Ma xasiliyay waxan ahay abwaan lagu xushmeeyaaye.

Xisbiyadan tartamayiyo kursigan wada xajiimaysan.

Xawaaraha qasriga loogu jiro damacan xoogaystay.

Siyaasiga u xaytiyo shacbigan xerada loo ootay.

Xilkan laysku jiidh iyo arliga kii xukumi laaye.

Xinjir iyo dagaal iyo hadduu meel xas badan yaalo.

Xabaalaha ragbaa ugu tagoo xiiqin waligoode.

Ragbaa xoolahoodiyo u hura xeel kastoo adage.

Ragbaa jira xasarad iyo u mara dhib iyo xuuraane.

Dantooday xodxodashada bulshada ugu xamaashaane.

Xaruntiyo ayaantay tagaan madasha xayn daabka.

Iska daa xubeer iyo inay samo xaq dhawraane.

Albaabada judhaa laga xidhaa xulafo waaweyne.

Rafiiq iyo xasabo uma tudhaan mana xigtays-taane.

ruuxii xarbiga shalay la galay laga xawaareeye.

Ma xusaan Abaaloo wanaag uma xigsiiyaane.

Xashiish kama duwan geesiyaal dhiig u xaaqsadaye.

Iska daa xiskoo lagu hayiyo xeedhyo loo furo’e.

Taabicu xad gudub-buu qabaa xoor ma heensado’e.

Xayaatada wuxuu halis u yahay jeel xasaasiyahe.

Jidh dil iyo xasuuq iyo cabudhin lagula xaajooye.

Dalkeena xoriyad qawl ma jiro xaq aad u doodaaye.

Mar haddaad xal waydoo dulmiga la xakamayn waayay.

Xamil weeye boogaha intaan Xadhig laguu soohin.

Xaad xaadso oo talada guud waxan ku xayn daabay.

Xagtimahana waayeel ogoow kiisasbaa xiga’e.

Codku xaasil weeye ku soor sharaf mid xaaleeya.

XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL ).

BERBERA SOMALILAND.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews