“Xukuumadu Kamay Soo Bixin Ee Way Dayacday Doorkii Ka Saarnaa Taakulaynta Dadka Abaaruhu Hayaan”Siciid Sulub Maxamed
January 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed, oo hadda ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda ku dhaliilay xaalada abaareed ee dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanay Xukuumaddu xilkii looga baahna gurmadka Abaaraha iska saarin, Caalamkana aanay u sheegin, waxaanu tilmaamay in hadda ay bilaamatay dhimashadii dadka ee ay sababta u ahayd abaartu.
Siciid Sulub Maxamed, oo ugu horeyn ka hadlaya Abaarta ayaa yidhi “Abaartu waxa weeye Gu’gii hore oo xumaa, iyo dayrtii oo la waayey, markii ay is biirsatay, iyo dalka oo intiisa badan xaaluf iskaga badan yahay, waxa dhacday abaar is maciirsato ah, abaarta iyada ah gurmadkii loo baahnaa lagama galin, maantana marxalad xun oo qaylo dhaanteeda ah iyo qayladeedu aad u badan tahay baa jirta, waxaan doonayaa in aan ku baraarujiyo Xukuumadda maanta talinaysa ee Somaliland in sidan si dhaanta ama ka adag hawsha u gasho, iyadaa xilka dadku saaran yahay, iyadaa xilka Qaranku saaran yahay, Xisbiyo ma saarna, cid kalena ma saarna”.