Madhabaa In Wasiir Sacad Isaga Leexiyay Saxeexii Heshiiska Saldhiga Milatari Wasaaradaha Duulista Iyo Gaashaandhiga?
January 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay Khilaaf xoog leh oo ka dhex qarxay Madaxtooyadda Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire kadib markii ay si weyn ugu kala fogaadeen heshiiska Saldhiga Milatari ee ay Dawlada Somaliland ka siinayso Dalka Imaaraatka Carabta Marsada Berbera ayaa waxa hadda soo baxay khadad uu Wasiir Sacad kaga gudbay arintaasi,si aanu wax lug ah ugu yeelan Arintani oo saamayn taban ku leh Deegaanka uu ka soo jeedo.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Dad wargaleen ah ayaa tibaaxay in Xaaladdii kala fogaaneed ee u dhexaysay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyaddu meel fiican saldhigatay kadib markii sida la sheegay uu Wasiirku geed iskaga tiiriyay Saxeexii lala daba socday ee ku saabsanaa Heshiiska Saldhiga Milatari ee ay kala saxeexanayeen Xukuumadda Somaliland iyo Dalka Imaaraatka Carabtu,oo sida hore loo baahiyay uu Wasiirku meel adag ka istaagay inuu wax lug ah ku yeesho,Waxaana dhawr jeer hore loo shaaciyay in Wasiirka iyo Madaxtooyaddu isku seegeen arintaasi,islamarkaana ay Madaxtooyaddu diyaarisay inay Xilka ka qaado wasiirka,iyadoo dhinaca kalena hore loo shaaciyay inuu wasiirka laftiisu dhinaciisa damcay inuu Xilka iska casilo kadib cadaadis badan oo kaga yimid Dhinaca madaxtooyadda.