berberatoday.com
Wefti Uu Hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Xalay Fiidkii Soo Gaadhay Berbera+ Soo Dhaweyn Ballaadhan Oo Loogu Sameeyey Deegaanada Galbeedka Gobolka Saaxil+Daawo Sawirada
January 20, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maanta duhurkii ka soo jarmaaday magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ujeedkiisa socdaal daaran yahay soo dhaweynta taageerayaal ku soo biiraaya Xisbiga WADDANI, ayaa gordhweyd soo gaadhay gudaha magaalada Berbera.

Weftigan oo aad u miisaan cuslaa, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaaya Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Warfaafinta WADDANI, guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhaxe, Ambassador Safiina, siyaasi Nuuradiin iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo madax kale oo aad u tira badan, waxaana si ballaadhan looggu soo dhaweeyey deegaanada Amdaal, Lafa-ruug, Xamaas iyo weli ba sida oo kale Dari-godle, ku waasi oo dhammaantood ba ku qaabilay soo dhaweyn aad u diiran iyaga oo lu laayey calanka liimiga ah ee WADDANI sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo muujinaaya in ay yihiin isbedel doon haraad u qaba in uu hoggaanka dalka mar uun u qabto Xisbiga WADDANI.
Dadkii ka hadlay deeganaddii lagu soo dhaweeyey weftiga WADDANI oo iskugu jiray waayeen, duqeyti, wax-garad, haween iyo dhallinyaro, ayaa dhammaantood ba muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin weftiga WADDANI, waxaana ay cod dheer ku muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay taageero hiil iyo hooba leh u la barbar taagan yihiin Xisbigaasi, iyaga oo tilmaamay in mudadii uu xilka hayey Xisbiga KULMIYE uu hagraday shacabka ku dhaqan deegaanadan, waxaana guddoomiye Cirro u soo bandhigeen baahiyaha kala duwan ee ay doonayaan in uu wax kala qabto marka uu ku guuleysto talada dalka.
“Farxad weyn bay noo tahay in aanu maanta halkan ku soo dhaweyno WADDANI iyo madaxdisa, marnaba ma hilmaami karno in WADDANI yahay xisbiga kaliya ee naga saari kara dhibbaatada sida oo kale noo horseedi kara horumar la taaban karo, anagu ka deegaan ahaan wax dheef ah kuma qabno KULMIYE oo wuu na ilaaway, ma haysano biyo, ma haysano caafimaad oo xaaladdayadu waa bariga dhaxe aad na way u adag tahay runtii, waxaana aanu aad u rajeynaynaa in WADDANI uu noqon doono xisbigii dhibbaatada naga saari lahaa ee garabka noo noqon lahaa.”.Ayey tidhi Faadumo oo ka mid ah dadka deegaanaddaasi.
Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI iyo weli ba sida oo kale hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda si aada ugu mahad-celiyey siddii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen shacabka deegaanaddaasi, waxaana ay Alle uga baryeen in uu raxmaadkiisa u shubo iyaga oo carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI uu balan qaadayo in uu fulinaayo balamaha uu la galo shacabkiisa ee u baahan wax-tarka iyo taakuleynta.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad celiyey dadka deegaanddaasi, waxaana uu ku amaanay doorka muuqda iyo taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI, isaga oo Alle ka baryey in uu raxmaadkiisa u shubo dadka la dhibbaateysan abaaraha baahsan, waxaana uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu mar walba diyaar u yahay in uu barbar istaago dadka abaarahu haleeleen isaga oo taageerayaasha WADDANI ugu baaqey in ay soo taakuleeyaan dadka abaarahu hayaan.
“Farxad weyn bay ii tahay in aan deegaanadan soo maro, waa deegaanaddeydii, waana aynu ka wada warqabnaa oo dalka abaaro baahsan baa ka wada jira, waxaana aan Ilaahay ka baryeyaa in uu Raxmaadkiisa inoo shubo, iyada oon idin ku amaanayo taageerada aad Xisbiga u haysaan hada na Doorashadii dib ayey u dhacday oo go’aankaas baanu maanta isla qaaday Madaxweynaha iyo madaxda Xisbiyada, waxaana ka xisbi ahaan aanu mar walba dadka dhibbaateysan la nahay dareen oonan marnaba ogalaanin in durbaano iyo olole siyaasaddeed la la dul tago.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro
 
DAAWO, sawirada weftiga WADDANI 
Image may contain: 3 people, sunglassesImage may contain: 4 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, sunglasses, car and outdoorImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: 4 people, people standing, sunglasses and outdoorImage may contain: 4 people, beard and outdoorImage may contain: 4 people, beard and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting, sunglasses and beardImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, sunglassesImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 people, people sitting and shoesImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 11 people, people on stageImage may contain: 4 people, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, sitting and sunglassesImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 2 people, people sitting and sunglassesImage may contain: 1 person, sitting and sunglassesImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 2 people, people sitting and sunglassesImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 7 people, outdoorImage may contain: 4 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 4 people, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 6 people, people standing, shoes, sky, wedding and outdoorImage may contain: 2 people, carImage may contain: 1 person, car and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, sunglasses and beardImage may contain: 2 people, beard and sunglassesImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 5 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 2 people, beardImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 peopleImage may contain: 4 people, suitImage may contain: 11 people, people smiling, people standing, people on stage and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, outdoorImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, tree, shoes, sky and outdoor
 Xigasho Heegannews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews