berberatoday.com
Xogo La Xidhiidha Duulkii Quraanku Ka Warramay Ee Yuug-Yamaa-Yuug Daraasad Lagu Sheegay Halka Ay Ku Noolaayeen Qoomka Ya’juuj Iyo Ma’juuj… Ururintii Kamaal A. Cali (Q:1) –
January 20, 2017 - Written by Berbera Today

Qormada qaybtan dambe ee qisadan Yuug-yamaa-yuug uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waa ay ka duwan tahay qaybtaas hore ee uu Geeska Afrika isagu soo ururiyey isaga oo soo xiganaya culimo kala duwan, waxa aanay xoogga saaraysaa oo ka warramaysaa daraasad laga sameeyey qoomkan oo qoraaga sameeyey uu ku doodayo in uu soo helay dhulkii Dul-Qarnayn ugu tegey qoomkan ee uu mooskaweyn ku teeday.

Magaca Ya’juuj iyo Ma’juuj

Sheekh Cusaymiin oo mar ka hadlayey halka uu asal ahaan ka yimid magaca Ya’juuj iyo Ma’juuj waxa uu shegay in magacani uu ka yimid ereyga carbeed ee Ajiij oo macnaheedu yahay holaca dabka. Dabku marka uu holco ee ololkiisu is wada qabsado. Laakiin Sheekha kale ee Muxammed Bin Qaasim, waxa uu isagu ku fasiray ereygan in looga jeedo tiro badnaanta qoomka iyo ba’naantooda. Waxaa iyaguna jira macnayaal kale oo lagu sheegay magaca Ya’ juuj iyo Ma’juuj, gaar ahaan kuwo ku doodaya in labadan magac aanay ahaynba Afcarabi, qaarkood waxa ay ku sheegayaan in ay yihiin afka Cirbiga (Hebrew) ee Yuhuuddu ku hadasho iyaga oo xujo ka dhiganaya in magacani isaga oo sidan loogu dhawaaqayo uu ku jiro afkaas isaga oo isla sidan loogu dhawaaqayo, Ya’juuj Wa  Ma’juuj oo macnihiisuna noqonayo Jooj oo u dhashay dhulka Jooj.

Waxaa jira taariikhyanno iyaguna ku macneeyey wax yaabo kala duwan oo ay ka mid tahay, in loo jeedo qoom deggenaan jiray, magaalada Baabil ee dalka Ciraaq, iyo aragti sheegaysa in magacani asalkiisaba ka yimid afka Shiinaha oo Ya’ juuj wa Ma’juuj macnaheedu yahay Qaaraddii Fardaha, aragtidani waxa ay sheegaysaa in ay yihiin ummad Shiinaha dhinaca woqooyi iyo dhinac galbeed deris kala ahayd, waana aragtida uu qoraagan aynu soo xigannay raacsan yahay.

Cilmibaadhistan uu sameeyey Cabdallah sharabji oo ah qoraa iyo cilmibaadhe u dhashay dalka Urdun, kuna qoray buuggiisa ‘Safarkii Dul-Qarnayn ee bariga’  waxa uu ku sheegay in Yaa’juuj wa Ma’juuj ay ku nool yihiin jamhuuriyadda Kyrgyzstan (Kyrigistan/Qirqiistan) oo dhinaca galbeed kala deris ah dalka Shiinaha, caanna ku ah fardo badni. Dhulkaas ayaa uu qoraagani aaminsan yahay in uu yahay dhulka Yaa’juuj wa ma’juuj.

Weji ballaadhaniyo indho yaryar:

Calaamadaha qoomka Ya’juuj wa Ma’juuj ee ku xusan taariikhda Islaamka ayaa wax badan ka waafaqsan calaamadaha ay leeyihiin dadka deegaanka uu qoraaga Cabdallah Sharbabji ku sheegay buuggiisan cilmibaadhista ah. tusaale ahaa, Abu Xasan Nuuraddiin Cali Bin Abi Bakar bin Sulaymaan Al-Haythami oo noolaa intii u dhexeysay 1355kii taariikhda Miilaadiga illaa 1405 tii kana mid ahaa culimadii Xadiiska Nebiga (SCW), islamarkaana ah Sheekha qoray buugga Majmac A-Zawaa’id wa Manbac Al-Fawaa’id ayaa soo xiganaya xadiis Nebi (SCW) oo sheegaya in qoomka Ya’juuj wa Majuuj ay abuur ahaan yihiin dad weji ballaadhan, indho yaryar, timahooduna ay yihiin madow casuusi hoos kaga ladhan tahay, oo timuhu jiho kasta oo madaxooda ah ka soo dhacsan yihiin/u jiifaan.

Marka aynu si gaar ah ugu fiirsanno tilmaamta xadiiskani ka bixiyey qoomkan ee ah in wejigoodu ballaadhan yahay  indhahooduna yar yihiin ee kadibna taas lagu sii xidho magaca taariikh ahaan dhulka Shiinaha loo yaqaannay ee ahaa, ‘Qaaraddii Fardaha’ iyada oo weliba caadi ahaan farduhu aad ugu badan yihiin badhtamaha Eeshiya, gaar ahaan dhulka uu dhaco dalka Qirqiistan, waxaa fududaanaysa in aynu taageerno aragtida qoraaga Cabdalla Sharabji.

Biyo xidheenkii Dul-Qarnayn halkee uu ku yaallaa?

Sida Qur’aanka Kariimka ah ku cad, Dul-Qarnayn markii dadkii uu u tegey ay uga cawdeen in uu ka furdaamiyo dhibta ay ku hayaan qoomka fasahaadka badnaa ee Ya’juuj wa Ma’juuj waxa uu u sheegay in ay ka caawiyaan sidii uu teed ama moos weyn oo aanay ka soo gudbi karin ugaga xidhi lahaa.

Qoraagan aynu cilmibaadhistiisa soo xigannay ee ay baahisay shabakadda Al-Carabiya waxa uu ku sheegayaa Kitaabkiisa, ‘Safarkii Dul-Qarayn ee Bariga’ in dhulka ay qoomka Yuug-yamaa-yuug joogeen ee Dul-Qarnyn inta uu ugu yimid ku xidhay moosku uu yahay galbeedka dalka Qirqistaan iyo bariga dalka ay isku dheggen yihiin ee Uzbaakistaan, deegaankaas oo ah dhul buuraley ah oo labada dal u dhexeeya, dadka degaana ay isugu jiraan ummado ku isir leh Turki oo ay ka mid yihiin qowmiyadaha Usbaak,Qirqiis,Turkuman, Kazakh iyo Uyghur (Egoor) ka oo iyagu deggen, Azerbaijan, woqooyiga galbeed ee Iiraan,Turkiga illaa galbeedka dalka China.

Aragtida qoraagan oo uu weliba Khariirado ku ladhayo waxa uu ku sheegayaa in dhul u dhexeeya deegaanka labada ummadood ee isir ahaan walaalaha ah ee Qirqiiska iyo Usbika, gaar ahaan dhulka ugu sii dhow dhinaca woqooyi-galbeed ee Shiinaha ay halkaas tahay halka uu aaminsan yahay in uu ku yaallo mooska birta iyo laxaamadda la isku dhalaaliyey ah ee uu Dul-Qarnayn ku teeday Ya’juuj iyo Ma’juuj. La soco…

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews