Trump Oo Maanta Loo Dhaariyey Madaxweynaha 45-aad Ee Dalka Maraykanka
January 21, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Donald Trump ayaa si rasmi ah u nqoday Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, waxaanu Xilka laga wareegay Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Barack Obama.
Madaxweyne Trump, ayaa Caasimadda Maraykanka ee Washington DC loogu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu dhaariyey, taasi oo ay ka qayb-galeen Boqollaal Qof ka mid ah Dadweynaha Maraykanka, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Maraykanka, sida Bil Clinton, Xaaskiisa Hillary Clinton, Goerge W. Bush, Xaaskiisa, iyo Madax ka mid ah Goleyaasha kala duwan ee Dawladda Maraykanka, ayaa wuxuu Madaxweynaha cusub ee Xilka loo dhaariyey uu ka jeediyey Khudbad dheer oo uu kaga hadlay Waxyaabaha u qorshaysan Mustaqbalka Fog iyo ka dhowba.
President Barack Obama, first lady Michelle Obama, President-elect Donald Trump and Melania Trump stand at the White House in Washington, Friday, Jan. 20, 2017. (AP Photo/Evan Vucci)