Gaadhigan oo siday rakaab una socday dhankaa iyo suuqa wayn ee magaalada Hargeysa isla markaana marayay jidka wayn ee hor marta madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu ku dhacay kaabadaha horyaala madaxtooyada,waxaana khalkhal galay amaanka madaxtooyada Somaliland,iyaga oo hal mar uun la arkay sida la sheegay ciidanka ilaaliya afaafka hore ee madaxtooyada oo heegan culus galay isla markaana cabaystay qoryaha kuna qabtay darawalkii gaadhigii kaabadda jiidhay waday iyo rakaabkii la socdayba.
Rakaabkii la socday gaadhiga baska ah oo u badnaa haween ayaa markii ay arkeen gaadhiga oo kaabadaha madaxtooyada jiidhay iyo ciidanka ilaalada madaxtooyada oo qoryo ku haya ayaa qayliyey naxdintii,waxaana ku dhacay argagax iyo anfariir,balse waxa xusid mudan inaan ciidanka ilaalada madaxtooyadu ridin wax rasaas ah ayna ka taxadireen.
Ciidanka ayaa rakaabkii saarnaa gaadhiga mid mid u baadhay,waxaana ay xidheen darawalkii gaadhiga baska ah waday.
Gabagabadiina maaha markii u horeysay ee sidan oo kale uu gaadhi u jiidho kaabadaha xayndaabka u ah madaxtooyada Somaliland