berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Xiisad Ka Taagan Masaajidka Sheekh Isaxaaq Ee Berbera Oo Sababtay Iska Hor Imaad Rasaastu Xarad Beeshay Oo Dhexmaray Ciidamada Booliska Iyo Culimada Timo weynta+ Doorka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Xaalad Sii Abuuraya
January 22, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wararka hordhaca ah ee laga helaayo magaaladda Berbera ayaa sheegay inaanu jirin weli wax khasaare ah oo ka dhashay Is rasaaseyn xoogan oo galabta dhexmartay Ciidamada booliska oo sida la sheegay la safan Wadadaada yaryar iyo sidoo kale Wadaadada timo weynta loogu yeedho oo mudooyinkii u danbeeyey isku hayey gacanku haynta maamulka masaajidka Sheekh Isaxaaq oo markii hore culimada timo weyntu gacanta ku hayn jireen, balse intaa dib u habayn lagu sameeyey amar wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu kusoo saartay lagu sheegay in lagu wareejiyo gacanta culimada Selefka loogu yeedho.
Muranka Masaajidkan ayaa galabta faraha ka baxay, isla markaana sababay inay ka dhacdo israsaaseyn xoogan, kaddib markii amar Wasaaradda diinta iyo awqaaftu ku siisay shaqaale wastaadin iyo Farsamo yawaano ah oo isku dayey inay masaajidka ka bedelaan Furayaasha, handaraabada iyo daakhilaaniga, maadaama oo Culimada timo weyntu haysato furayaasha Masaajidkan.
Dhinaca kale ma jiro wax khasaare nafeed oo lasoo wariyey, hase yeeshee wararka Shabakada Xogreebnews ka helayso ilo kamid ah dadka Masaajidka ku dhowdhow ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay qaar kamid ah Culimada timoweynta.
Waxa kaloo Wararku sheegeen in ilaa hadda xaaladdu cakiran tahay, isla markaana ay weli Culimada timo weyntu gudaha ugu jiraan masaajidkaa, iyadoo sidoo kalena ay ciidamo tiro badan oo kuwa loo yaqaan RRU-du ku hareeraysan yihiin. Mana jirta cid waanwaan wadda oo la sheegay inay ku kala dhex jirto. Waxa kale oo iyaddana masaajidka iyo nawaaxigiisa soo buux dhaafiyey dadweyne tiro badan oo gadoodsan, kuwasoo sida la sheegay la safan culimada timo weynta. La soco wixii kasoo kordhay.
 
 
 
 
 
 
Xigasho Xogreebnews.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews