berberatoday.com
Urur Caalami Ah Oo Baaq Ka Soo Saaray Dacwad Ka Dhan Ah Saxafiyiinta Wargeyska Hubsad
January 22, 2017 - Written by Berbera Today

hubsad55Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka caalamiga ah ee u dooda xuquuqda suxufiyiinta ee fadhigiisu yahay Maraykanka ee la yidhaahdo Committee to Protect Journalists (CPJ) aya warsaxaafadeedkan ka soo saaray dacwad rafcaan ah oo ka dhan ah suxufiyiinta wargeyska Hubsad.

1

Qoraalka ay CPJ, soo saartay, ayaa wuxuu u dhgnaa sidan “Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somliland Xasan Axmed waa inuu sida ugu dhaqsaha badan u joojiyo oo uu dib ula noqdo rafcaanka uu ka qaatay xukunka waxba loogu waayay laba suxufi oo lagu eedeeyey inay daabaceen war been abuur ah iyo inay soo saareen wargeys aan diiwaangashanayn.

 Waxa la filayaa in 23ka January ay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa, caasimadda Somaliland, ay dhegaysato dacwadda, sida uu CPJ u sheegay Guleid Ahmed Jama oo ah gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ah urur u dooda xuquuqal insaanka. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay 12 November 2016 soo saartay xukun ay sheegtay in waxba lagu waayay Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha Hubsad, iyo Siciid Khadar Nuur, tafatiraha Hubsad, eedihii loo soo jeediyay ee ahaa inay daabaceen war been abuur ah iyo inay soo saareen wargeys aan diiwaangashanayn.

“Ma ahayn in marka horeba wax dacwad ciqaab ah lagu soo oogo Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilahi,” ayay tidhi Angela Quintal oo ah isku-duwaha Barnaamijka Afrika ee CPJ. “In laga hadhi waayo suxufiyiin maxkamadi waxba ku wayday waxay cadaayn aan daah saarnayn u tahay in ujeedada dawladdu tahay inay u caga juglayso saxaafadda,” ayay ku dartay.

 Guled wuxuu u sheegay CPJ in eedda ah war been abuur ah ay salka ku hayso war uu qoray Hubsad oo sheegayay in hab aan haboonayn loo maray iibinta dhul qaranku leeyahay. Maxkamadda hoose way ku wayday Cabdirashid iyo Siciid eedii ahayd inay soo saareen wargeys aan diiwaangashayn, balse waaxay ayiday inaan wargeysku soo bixinta ilaa hanaanka ruqsad bixinta la dhamaystirayo. Xeer-ilaaliyaha Guud wuu ka rafcaan qaatay isaga oo raba in labada suxufi xadhig lagu xukumo. Guleid wuxuu hore ugu sheegay CPJ in suxufiyiintu ay wajihi karaan sanado xadhig ah hadii la xukumo, isaga oo sheegay inaan shurucuda Somaliland si fiican u cadayn ciqaabta ay mudan karaan.

CPJ waxaay isku dayday marar badan inaay telefoon kula hadasho Xeer-ilaaliyaha Guud, balse way ku wayday telefoonka, fariimo qoraal ah oo loo dirayna kama uu jawaabin. Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid sidoo kale wax jawaab ah kamuu bixin telefoono iyo fariimo qoraal ah oo aanu kaga codsanayn inuu ka jawaabo arinka.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews