berberatoday.com
Xisbiga KULMIYE Oo Deeq Agab Caafimaad ah Ku Wareejiyey Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa
January 22, 2017 - Written by Berbera Today

qalabHargeysa(Berberatoday.com)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa deeq agab caafimaad ah oo ay iska kaashadeen laanta xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee dalweynaha UK iyo hay’adda African Appeal si rasmi ah maanta ugu wareejiyey cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Munaasibadda wareejinta agabkan oo lagu qabtay gudaha cisbitaalka Hargeysa, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiye-yaasha koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, xoghayaha guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, xubno wasiirro ah, agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa iyo saraakiisha ugu sarraysa xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol.
Xoghayaha xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol Md. Naasir Ibraahim Suufi Jibriil oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey agabka ay ugu deeqeen cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxana uu shaaca ka qaaday inaanay deeqdaasi ahayn mid intan uun ku ekaan doonta, balse ay noqon doonto mid socon doonta, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Barnaamijkani waa mid soconaya oo aan intan oo kali ah ku ekaan doonin, waxana uu iskugu jiraa taakulayn caafimaad iyo mid waxbarasho, ayaamaha dambena insha allah waxad arki doontaan annaga oo agab kale bixinayna”
Mustafe Xaaji Cismaan oo kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE laantiisa Bristol oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay heegan ugu jiraan sidii ay dalkooda usoo gaadhsiin lahaayeen waxkasta oo baahida taalla wax ka tari kara, isla markaana ay sii wadi doonaan dedaalka ay ku jiraan.
Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa isaguna si weyn uga mahad celiyey agabka caafimaad ee xisbiga KULMIYE iyo hay’adda African Appeal soo gaadhsiiyeen, waxana uu farta ku fiiqay in agabkaasi yahay mid cisbitaalku baahi weyn u qabay, waxana uu yidhi,“agabkani waxa uu u badan yahay kuraasida dadka lagu riixo iyo agabka kale ee qofka tamartiisu yaraataa uu cuskado, qolada African Appeal iyo laanta Bristol ee xisbiga KULMIYE-na way ila soo xidhiidheen, waana aanu ka wada tashanay nooca baahidayada oo waxan u sheegay inaanu baahi badan u qabno agabka noocan ah, qalabanna waxanu ugu talo galnay mid loogu adeegi doono cisbitaalka gudihiisa, aad iyo aadna waan uga mahad-naqayaa qolada agabkan inoogu deeqday iyo xisbiga KULMIYE-ba, waxana aan rajaynayaa in daboollida baahida cisbitaalka aynu iska wada kaashan doono.”
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibadda wareejinta agabka caafimaad ka hadlay, ayaa u mahadnaqay laanta xisbiga ee magaalada Bristol oo iyagu agabkan dalka keenay, isaga oo xusay inay heegan ugu jiraan sidii ay horumarka waddanka uga qayb qaadan lahaayeen, waxana uu yidhi,“sharaf weyn bay noo tahay in qalabkan caafimaadka iyo mid waxbarashoba laanta UK ee xisbiga KULMIYE ay ku caawinayaan dalkooda, aadna waan u bogaadinayaa laamaha KULMIYE ee UK iyo Maraykankuba sida fiican ee ay uga qayb qaataan barnaamijyada horumarka, waxana ay qayb weyn ka qaataan barnaamijka abaaraha iyaga oo samaystay gole la yidhaahdo Golaha Guusha KULMIYE oo yurub iyo maraykan oo dhan ka kooban, dalka gudihiisana ay qaar kaga jiraan oo deeqo gaadhsiiyey guddiga abaaraha, dadkeenana waxan ku bogaadinayaa inay is gargaaraan.”
Koor-meerkii goobo Cisbitaalka ka Mid ah Iyo Booqashadii Haldoor Xanuun U Jiifa
Dhinaca kalena hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, laanta UK iyo maamulka cisbitaalku iyaga oo isku duuban waxa ay soo kormeereen goobo badan oo cisbitaalka kamid ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Waaxda korontada cisbitaalka oo lagu qalabeeyey mishiinno casri ah, qaybta siffaynta kelyaha, waaxda dhalmada iyo dhallaanka caydiga ah oo dhammaantood horumar weyn lagu sameeyey.
Sidoo kale hoggaanka KULMIYE ayaa booqasho ugu tegay xubno haldoorka bulshada ah oo ay kamid yihiin saxafiga ruug-caddaaga ah ee Xasan Maxamed Yuusuf iyo fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xanuun u jiifa cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyaga oo xog-ogaal u noqday xaaladda ay xilligan ku sugan yihiin, waxana ay eebe uga baryeen inuu caafimaad sareecan ah siiyo.

qalabka2

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews