berberatoday.com
Abaarta, Xoolaha La Joojiyey Iyo Sicir-bararka Oo Xaalad Qalafsan U Horseeday Danyarta iyo Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Khalkhalka Dhaqaale Uu Amniga Waxyeelo.
January 23, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sicir-bararka Qiimaha Sarrifka Doollarka, ayaa Maalinba Maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya, taasina waxay keentay in Ganacsatada yaryar ee wax ku iibiya Shilinka Somaliland suuqyada ka baxaan, markii Qiimaha Doollarka lagu sarrifaa ka batay Qiimihii ay Alaabooyinka ku soo iibsadeen.

Qiimaha Sarrifka Doollarka, ayaa Ganacsatada yaryar ee Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa sheegeen inuu marayo 870,000 oo Shilinka Somaliland ah Boqolka Doollar, halka marka Qofku uu Doollarka sito Boqolka Doollar loogu beddelayo 850,000 kun oo Shilin.

sheekh maxamed dirirHaweenka danyarta ah ee Suuqa Gobanimo ku iibiya khudaarta iyo Dhallinyarada iibiya Weelka iyo Kabaha, ayaa Telefiishanka Star oo Shalay booqday u sheegay in Sicir-bararka Qiimaha Sarrifka Doollarku uu ku keenay Culays nololeed, maaddaama oo wixii ay ka helaan suuqa iyo Qiimaha lagu iibiyo Raashinka Quutal-daruuriga ahi kala badan yihiin.

“Madaxweyne, Abaar miyi-baa jirta ee Abaar Magaalo ayaa na haysa, waxaanu khaati ka taagan nahay Doollar marba Cirkaa la geynayo. Dadkii Maatida ahaa ee Suuqa ka Ganacsanayey Gaajo ayay bakhtiyayaan, Kiishii Liinta ahaa wuxuu nagu marayaa Afar boqol oo Shilinka Somaliland ah, markaa Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu Dadka Maatida ah hoos u eego.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenka Danyarta ah ee khudaarta ku iibiya Suuqa Gobanimo.

Hooyo ka mid ah Dadka Danyarta ah ee khudaarka iibiya, ayaa iyaduna tidhi, “Lacagteennii nusqaan-baa ku dhacday, Qof kasta oo Koob Shaaha kaa iibinayaa wuxuu yidhi waa Dollar, Annaguna Doollar waxba kuma iibino ee Somaliland-baanu wax ku iibinaa, Somaliland-tiina waxba laguma falayo.”

Mid ka mid ah Dhallinyarada suuqaa ku iibiya Weelka oo isagana la waydiiyey sida uu Doollarku u saameeyay Ganacsigiisa, ayaa ku jawaabay, “Sicir-bararka Qiimaha Doollarku wuxuu ii saameeyay inaan ku fikiro inaan Xidho Meheradda, Waayo? Doollarku wuxuu dhaafay Shayga intii la iga soo siisay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Madaxweynaha waxaan ka codsanaynaa in wax laga qabto Sicir-bararka Doollarka, hadduu sidan ku sii socdo khatar bay gelaysaa (nolosho)..”

Mid ka mid ah dhallinyarada Kaariyoonayaasha dushooda ku iibiya Dharka, ayaa isaguna yidhi, “Waxaan iibinayey Dharkaa, laakiin waxaan u xidhay waa Sicir-bararka Qiimaha Doollarka Darteed, Waayo? wax alaale iyo wax aanu ku iibinno ma garanayno oo wuxuu Doollarku nagu gaadhay Qiimihii aanu siinaynay.”

Ninkan Dhallinyarada ah oo la waydiiyey wuxuu yeelayo haddii arrintani sii socoto, ayaa ku jawaabay, “Haddii Doollarku sidaa sii ahaado, wax alaale wax la sameeyaa ma jirto, ee Dalka waanu iskaga Tahriibaynaa.” Ayuu yidhi.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada Somaliland oo la waydiiyey waxyaabaha keena Sicir-bararka Lacagaha iyo khalkhalka ku yimaadda Nolosha Dadka, ayaa ku jawaabay, “ILAAHAY Qur’aankiisa wuxuu marmar badan inoogu sheegay in mar kasta oo ILAAHAY laga fogaado waxyaabaha khalkhalku ku dhaco uu ka mid yahay Dhaqaaluhu, markaa sababahaa waxa ka mid ah Lacagta Adag ee inna soo gasha waxaynu ku bixinaa Jaadka iyo Sigaarka, waxa kale oo ka mid ah Dadka oo aan ku kalsoonayn Lacagtooda, Sababta kalena waxa weeyaan isku dheelli-tir la’aanta Lacagta Shilinka Somaliland ah ee baxaysa iyo ta Doollarka ah, markaa marka ta Shilinku aad u badato waxa dhacaysa in Lacagta Doollarkuna aad u qaaliyowdo. Waxa kale oo ku jirta xoolaha la joojiyey oo Wax innaga soo geli jireen, markaa Xalku waxa weeyaan Dadku inay kharashka yareeyaan, Lacagtoodana ku kalsoonaadaan, Dawladduna ay isku miisaanto Lacagta Shilinka ah ee ay sii bixinayso iyo Suuqa, Dawlad iyo Shicibbana inay Arrimahooda xalliyaan oo ay ku xisaabtamaan in waxani aanu kor u sii soconin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Khalkhalka Dhaqaaluhu Nabadgalyada waxbuu yeelaa. Khalkhalka Dhaqaale Dadka wuxuu kaga daran yahay Dagaal, Waayo? Waxa laga yaabaa inay Dad gaar ahi ku dhintaan, laakiin khalkhalka Dhaqaale guri walba wuu gelayaa.”

Sheekh Dirir wuxuu ku taliyey, “Dadka waynu ognahay Duruuftooda, Abaartii markay ugu biirto Xoolihii oo la joojiyey, ee Sicir-bararkuna ugu biiro Dadku Adhaxda ayay ka jabayaan, oo Ummaddo badan baa Aqalka soo xidhannaya, markaa Dawlad, Shacab iyo Tujaar inta la iskaashado waa in Xalka la raadiyaa, ILAAHAYNA loo noqdaa (SW).”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews