Banaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Donald Trump Oo Ka Dhacay Magaalada Washington.
January 23, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Xili ay weli socoto xafladaha caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo maanta xilka loo dhaariyey ayey magaalada Caasimada ah ee Washington DC ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigeen dadka kasoo horjeeda siyaasada hogaamiyaha cusub.

Magaalada Washington ayey ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigayeen kooxo dhalinyaro ah oo kasoo horjeeda Madaxweynaha cusub iyo xisbigiisa kuwaasi oo qeybo kamid ah bartamaha magaalada ka geystay burburin goobo ganacsi iyo gaadiid.