War Deg Deg Ah”Booyad Maamulka Gobolka Saaxil U Iibiiyay Biyo Dhaaminta Dadka Abaaruhu Ku Saameeyeen Deegamada Bariga iyo Galbeedka Gobolka Saaxil Oo La Dhacay Lana La,yahay Meel Lala Tagay
January 23, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Booyadan oo nooceedu ahaa Nissan Diesel UD ayaa waxa laga kaxaystay Iyada oo hortaala habeenkii xalay kaalinta Cawil Axmed Faraare oo ku taala badhtamaha magaalada Berbera,
Waxaana la sheegay in booyadan lagu kaxaystay fure isbeer ah oo dadka dhacay ay hore uhaysteen. Waxaana booyadan hore looga iibsaday Ninka Kaalinta laga hor kaxaystay leh oo lagu magaaco Cawl Axmed Xuseen(Ina Faraare)sida uu noo xaqiijiyay Darwalkii wadaha ka ahaa Booyadan oo lagu magacaabo Jaamac Cali Guutaale(Jaamac Hilible)oo aanu dhacdadan wax ka weydiinay, Waxaanu Jaamac sheegay inuu halkaas booyada hore u xalayna uu dhigay kagana hurdo tagay Isaga oo Xaafadiisa oo kutaala xaafad kamida xafadaha Berbera ucaraabay.