berberatoday.com
Wefti Ay Hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Biyo Iyo Weelkoodii Gaadhsiiyey 20 Tuulo Oo Ka Mid Ah Togdheer & Buuhoodle
January 23, 2017 - Written by Berbera Today

“Ka Xukuumad Ahaan Diyaar Baanu U Nahay Inaanu Fulino Amarka Madaxwaynaha Ee Ahaa In Gurmad Aan  Waxba Lagala Hadhin Loo Sameeyo Dadkeena..” Wasiir Samsam

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti balaadhan oo ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo saddexdii maalmood ee u danbeeyey ku guda-jiray socdaal ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka abaaruhu ku hayaan bariga dalka, ayaa iskaga dab-qaaday in ka badan 20 tuulo oo ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Buuhoodle, kuwaas oo dhamaan tuulooyinkaas oo dhan gaadhsiiyo biyo iyo qarbaddo waawayn oo ay ku shubtaan biyahaasi.

Warka Wasiirka MaaliyaddaWeftigan ay hogaaminayso Wasiir Samsam ayaa waxa ka mid ahaa Guddida Gurmadka  Abaaraha  ee heer qaran, hay’adaha xuquuqal Iinsaanka, koox dhakhaatiir ah iyo wasiirul-dawlaha xanaanada xoolaha, kuwaas oo dhamaantood ka wada hawlgalaya gurmadka dadka abaaruhu ku hayaan deegaanadaasi.

Socdaalka waftigaasi ayaa lugtii 1-aad in ka badan 24 saacadood socod aan joogsi lahayn ku soo maray deegaanadaasi intooda badani hawdka gobolka Togdheer ku yaalaan ayaa habeenimadii Sabtidu soo galaysay saqdii dhexe ku soo guryo-noqday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla-markaana subaxnimadii hore ee Sabtida Shalay ahna u baqoolay deegaano kale oo magaalada Burco ku dhawdhaw, kuwaas oo ay ka mid yihiin Qoyta, Ximan, Boodhley iyo Kal-barre, kuwaas oo dhamaantood waftiga wasiirka maaliyadu hogaaminaysaa gaadhsiiyeen biyo ay cabaan.

Sidoo kale deegaanada uu waftigu markii hore socodiisa hore ku bilaabay ayaa waxay kala yihiin;  Bali-hiile, labi-guun, Sanyare, Bilcin-Wayso, Waraabeeye, Xuseen Xamar, Harada, Bisiqa, Ilma Ayjeex, Duruqsi, Yucub Yabooh, Riyo xidh, Sibidhleey, Dhoqoshay, Candho-dhexe, Dhagax-dheer, Dhariyaley, Bali-dhiig, Coodanle, Taalabuur, Balicalanle iyo Shansha-cadde oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Buuhoodle.

Sidoo  kale waftigaasi ayaa waxay halkaasi dadka deegaankaasi kaga dhagaysteen xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan deegaankaasi ku sugan yihiin, waxaanay dhamaantoodba dadkaasi u sheegeen waftiga inay ku jiraan xaalad nololeed oo aad u adag isla-markaana illaahay ka sakaw ay codsanayaan in kaalmo bini-aadamnimo lala soo gaadho, waxaanay dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku amaaneen kaalinta ay kaga jirto daryeelida, ilaalinta iyo u damqashada dadka taagta daran.

Waxaana deegaanadaasi la marayey ay Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ugu deeqday min laba booyadood oo biyo ah, iyada oo deegaanka Harada iyo Dhoqoshay  ay iyaga ugu deeqday Qarbadyo loogu talo galay biyaha oo midkiiba qaadayo 80 foosto oo biyo iyo booyadihii u dhaamin lahaa. Waxaana intii la joogay deegaanka Coodanle ay wasiirka Maaliyadu Marwo Samsam Cabdi Aadan ay Timir, Caano iyo Kalluun u qaybisay qoysas ay abaartu keentay Coodanle, waxaana halkaasi ay wasiiradu ku soo kormeertay Riig loogu magacdaray Samsam, kaasi oo ay xukuumadu

ay deegaankaasi ka hirgalisay, waxana halkaasi loogu yimid adhi iyo geel badan oo laga waraabinayay iyo booyado kuwaasi oo dadka abaaraysan biyaha gaadhsiinayay, iyadoo wasiirka maaliyadu ay degmadaasi ugu deeqday qarbad wayn oo biyaha lagu dhaaminayo si ay dadka taagta daran ee deegaankaasi soo gaadhay ay biyaha uga dhaansadaan isla markaana ay wakhtiyada qaar u nasato daynamada ceelkaasi biyaha kasoo tuuraysa oo u baahan in mararka qaar la bakhtiiyo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Hay’ada Xuquuqal Insaanka Qaranka Farxiya Jaahuur iyo Xubno kale oo iskugu jiray culimo iyo salaadiin oo ka tirsan Guddida Abaaraha ee Heer qaran iyo Heer Gobol ayaa iyaguna dadkaasi halkaasi uga duceeyay.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna hogaaminaysay Weftigaasi ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada uu daaran yahay socdaalkaasi iyo waxyaabaha ay soo aragtay, waxaanay wasiir Samsam sheegtay inay ka xumuumad ahaan diyaar u yihiin waxkasta oo suurta-gal ah oo lala qabankaro muwaadiniinta abaartu ku habsatay waa sida ay hadalka u dhigtaye, iyadoo mar ay wasiiradu la hadlaysay qaar ka mid ah dadka ay ku booqatay hawdka gobolka Togdheer waxa  hadalkeeda ka mid ahaa “Dhamaan Deegaanadda balaadhan ee aynu soo marnay waxa aanu ku aragnay inay dadkaasi ka wada siman yihiin abaarta iyo biyo la’aan, waxa kale oo jira in dadkaasi naga codsadeen dawooyin oo xoolaha loo daweeyo isla markaan dadka oo ay u badan yihiin caruurtu nafaqo daro ayaa haysa, nasiib wanaag waxa aanu wadanay tiim caafimaadka oo qufac iyo oofta dadkan u badan ee haya ka daweynaya. Waxyaabo badan ayey dadkeenan u baahan yihiin in lala qabto  ka xukuumad ahaan diyaar baanu u nahay inaanu fulino amarka Madaxwaynaha ee ahaa in gurmad aan waxba lagala hadhin loo sameeyo dadkeena abaaruhu ku habsadeen, Ilaahay ha inaga jabiyo abaarta isagaa wayne wixii karaankeena ahna waanu la qabanaynaa ka xukuumad ahaan, waxa la inooga baahan yahay inaynu gacmaha isku qabsano oo aynu u midawno sidii aynu dadkeenan wax ugu qaban lahayn ee aynu ugu gurman lahayn”.

Intii lagu gudo jiray safarkaasi, waxa iyaguna qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Bahda Caafimaadka ee Wasaarada Maaliyada, kuwaasi oo dawaynayay dad waayeel ah iyo caruur kuwaasi oo xaalad caafimaad daro deegaanadooda ay ku haysatay, waxaana Ambulance-ka wasaaarada Maaliyada saarnaa dawooyinka noocyadooda kala duwan kuwaasi oo xaalad degdeg ah la gaadhay dadkaasi, waxaana weftigaasi la socotay booyad biyood oo qaadaysa 150 foosto, taasi oo biyaha gaadhsiinaysay deegaanada xaaladood aad u adag tahay, waxaana intii aanu safarka ku gudo jirnay ay booyadaasi biyo dhaamis gaadhsiisay Duruqsi iyo dhoqoshay, waxaanay ka qaybqaadatay booyadaasi gurmadka loogu jiro in lagu gaadhsiiyo biyaha dadka biyo la’aantu ku habsatay, taas oo iskaga dabqaadaysay deegaano aad u kala fog.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews