berberatoday.com
Ganacsatada Iyo Dadweynaha Reer Berbera Oo Mudaharaad Cabasho ah La hortagay Xarunta Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Xarumihii Ganacsiga Oo Albaabada Loo Xidhay
January 24, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa ganacsatadu waxay gebi ahaanba albaabada u laabeen meheradihii ganacsiga iyagoo ka cabanaya sixirbarar beryahanba saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland.

Shiliinka somaliland ayaa qiimodhac weyni ku yimid labadii bilood ee ugu danbeeyay

Halkii doolar ayaa maanta maraya 8400 oo shilinka Somaliland ah, halkii uu ka ahaa 7300.

Xuseen Cawil Cabdillaahi oo ah nin ka ganacsada magaalada Berbera ayaa BBC u sheegay in meheradaha ay xireen ay ka koobanyihiin bakhaarada cuntada , dukaamada tafaariiqda iyo suuqyadii kale.

Wuxuu sheegay in sababta sicir bararka keentay ay tahay iyadoo bangiga Somaliland uu suuqa ku soo daayay lacago xad dhaaf ah oo shillin ah.

Dhinaca kalena gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jamaac Yuusuf ayaa BBC u xaqiijiyay meheradaha ganacsiga berbera ee ganacsatii xireen iyo mudaaharaad cabasho ah oo dadweyne la hortageen xafiiska maamulka gobolkaaasi.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha banaabaxayay uu u sheegay in xukuumaddu ay si degdeg wax uga qabanayso arrinka sicirbararka oo golaha wasiirada ee Somaliland maanta shir degdeg uga fadhiyaan .

Sicir bararka saameeyay nolosha dadweynaha Somaliland ee magaalo iyo miyiba waxa uu ku soo beegmay iyadoo abaar baahsani ka jirto halkaas oo gurmad lagu jiro. horay ayay xukuumaddu ugu saartay guddiga furdaaminta sicir bararka laakiin ma muuqato xal ay ka gaareen.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews